Soomaalidu ma tahay ummad dareen leh ama damiir fayow oo wax lagu kala sooco ama lagu kala garto …ummadaan waxay u qaybsan tahay aragtideyda seddax qaybood oo kaliya: qaar aan indha lahayn oo loo daaray filim, qaar dhega la’ oo wacdi iyo waano dhegeysanaya iyo qaar luga la’ oo orod ku tartamaaya. Nasiib darrada ugu weyn waxay tahay inuusan jirin qof arki kara ama garan kara heerka aan ku sugannahay taasoo ah in markaan garano heerka garaadkeenu gaarsiisanyahay ama aan garawsano meesha cudurka naga haleelay ama aan aqoonsanno inaan jirranahay markaasaa la raadi karaa oo la fishaa in la heli karaaa daawo…waxayse u baahan tahay waqti aad u dheer iyo dad dareen leh.
Doorasha ku sheega hadda socota waxay fadeexad ku tahay dadka lagu sheegayo siyaasiyiinta oo ah kuwo aad u aragti gaaban oo aan garan karin meesha ay dabeysho u socoto iyo xowliga ay arrimaha ku socdaan. Nin xigtadiisi iyo qaraabadiisi ay u diideen inuu xildhibaan noqdo ayaa eedeyn u jeedinaaya madaxda dowladda, siiba M/weyne Xasan Sheikh, isagoo ku eedeynaya fashilka ku dhacay. War haddii jufadaadi ku diiday waayo cidda aad wax ka heleyso ama aad ka sugeyso inay kuu garaabaan..
Waxaa soo baxay qolooyin ku hungoobay oo waayay wixi ay filaayeen markaasey ku hanjabaayaan inay dagaal qaadayaan marna waxay adeegsanayaan erayo ay ka mid yihiin shacabka ma yeelayaan waxa ka socda dalka. Shacabkaan waa mid yaabaan oo waayay cid uu aamini karo, cid uu garab siinayana ma jirto waayoo asagaa tiisu heysataa. Dib u soo naqashada M/weyne Xasan Sheikh ma ahan mid lagala tashanaayo kuwa fashilka dhex dabaalanaya oo wayay wixi ay filaayeen, waxaana ka horjoogsaday oo riyadoodi beeniyay nin waliba tolkiis.
Waxaa jira hal-ku-dheg ah CEYNTI XUMAATA CIDEEDAA ISKA LEH inta wax weysay waa dad aan astaahilin jagada ay isu rashaxeen… markey guuldarradi la kulmeena afka furtay oo ka tegay anshaxi looga baahna qof hamigedu yahay inay hogaanka dalka qayb ka qaadato oo ay masu’uliyad qaado.
Dad xulashadan waxay bannaanka soo dhigtay ceebaha aan leenahay oo ay ugu weyn tahay inaann nahay dad aan kala rooneyn oon midna mid dhaamin, dad wixi laga qoro aan akhrin si ay u arkaan ceebahooda, ama aan marna ismaqal oo gebigeen aan isku mar hadleyno, nin waliba codkiisa maahee aan cod kale maqal..wixi xumaan ah mid naga mid ah sheego waa la wada qaataa, wixi wanaagana cidna ma fiirso mana qiimeyso….websiteyada iyo TVyada Somalida waxay aad u buunbuniyaan xumaanta xagga wanaagana waa ka caagan yihiin, mana wareystaan qof wax fiican ka sheegaya dalka iyo dowladda. Kuwa qaylinaaya waa kuwo reerahoodi wax ka waayay!!! War aween kuwi ku hadaaqi jiray waxbaan beddeleynaa, iyagi ayaa bannaanka ku soo dhacay, meel ay cag dhigaan waayay oo dhulki ku yaraaday, markaasey dowlad goboleedyo ay diideen maanta ka doonanaya doorasho inay xildhibaan noqdaan….Dadkaasi maxaad ku sheegi lahaydeen? Waa XAJKA GEFOW XEEBTA KU OOY!!!
AROOS MAR DHAW DHICI DOONA
Waxaa jirta sheeko ku saabsan meesha xaalku maraayo.
Geber agoon ah oo aabaheed uga dhintay hanti aad u fara badan ayaa u diyaar garowday GUUR, waxana soo doontay rag fara badan oo raba inay guursadaan. Waxaa walaayadeeda haaya adeeradeed oo iyaguna tiro ahaan aan yareyn. Gebedhi waxay la tashatay adeeradeed oo ay tiri ”rag fara badan ayaa ii soo doontay waana dad runtii midkoodna uusan I cajibin, waayoo waxay iiga sheekeeyaan kulligood eedeyn iyo cay ay isugu daraan ninka alkunkeyga ah ( ALKUN waa khatiib afka Carabiga ama fidanzato Talyaaniga ama Boy friend ingiriiska) kaasoo cid waliba iiga dhaw iigana fiican inta i soo doonatay, weli ma arag mid aan ku qanco afkaartiisaa/ habdhaqankiisa. Waxaan u arkaa inay yihiin dad aan shucuur wadaninnimo lahayn oon wedin wax aniga ii dan ah ama aan horumar ku haweysan karo. Waana dad aanan isku aamini karin oo maalinba mowqif cusub taagan!!! Waxaan uga baqaa inay i iibiyan, waayoo hamigoodu waa hanti ay boobaan bes.
Waxay u baratamayaan waa hantideyda inay dhacaan anigana meel cid la’ ah iiga tagaan. Haddaba, adinkaa adeeryaashi ah ee iga ilaaliya qof aan ii qalmin, haddii la waayana midka aan wada soconno oo alkunkeyga ah ayaan guursanaa ee ila oggolaada iiguna duceeya.
GEBEDHU WAA : Somaliya
ADEERADEED WAA: Baarlamaanka (BF)
ALKUNKEEDA WAA: Xasan Sheikh
W/Q: Axmad Calasow
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]