25.4 C
Mogadishu
Thursday, October 9, 2025

Xamaas iyo Israa’iil oo gaaray heshiis taariikhi ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Qaahira (Caasimada Online) – Kadib bilooyin is-mari-waa ah, Israel iyo Xamaas ayaa gaaray heshiis ku saabsan sii-daynta la haystayaal Israa’iiliyiin ah oo lagu beddelanayo maxaabiis Falastiiniyiin ah, horumar weyn oo muddo la sugayay oo horseedi kara dhammaadka dagaalka labada sano ka socday Gaza.

Madaxweyne Trump, oo gacan ka geystay dhex-dhexaadinta heshiiskan, ayaa Arbacadii baraha bulshada ku sheegay in labada dhinac ay isku raaceen wejiga koowaad ee qorshihiisa, taasoo ay ku jirto in Israel ay ciidamadeeda kala bixi doonto xariiq horey loogu heshiiyey.

Faahfaahinta heshiisku weli ma cadda, oo ay ku jiraan nidaamka is-dhaafsiga iyo xariiqa ay ciidamada Israel ka baxayaan. Dhanka kale, Israel bayaannadeedii hore kuma aysan xusin arrinta ciidan kala baxa.

Ku-dhawaaqista Mr. Trump ayaa timid wax yar ka hor 7-dii fiidnimo ee xilliga bariga Mareykanka — taasoo ku beegnayd ku dhawaad 2-dii aroornimo ee Khamiista ee waqtiga Falastiin.

Dalka Qatar, oo ka mid ah dalalka gacan ka gaysanayay wada-hadallada, iyo ururka Xamaas ayaa war-saxaafadeedyo ay soo saareen ku tilmaamay in heshiisku uu oggolaanayo in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo Gaza.

“Kani waa maalin WEYN oo u soo hoyatay Dunida Carabta iyo Muslimka, Israel, dhammaan dalalka deriska ah, iyo Mareykanka, waxaana u mahadcelineynaa dhex-dhexaadiyeyaasha ka socday Qatar, Masar, iyo Turkiga, oo nagala shaqeeyay sidii ay u hirgeli lahayd dhacdadatan taariikhiga ah ee aan hore loo arag,” ayuu Mr. Trump ku qoray bartiisa Truth Social.

Dabayaaqadii bishii September, Mr. Trump wuxuu shaaca ka qaaday qorshe ballaaran oo ka kooban 20 qodob oo lagu soo afjarayo dagaalka laguna sii deynayo la-haystayaasha harsan.

Sida ku cad qorshahaas, la-haystayaasha waxaa lagu beddelan lahaa 250 maxbuus oo Falastiiniyiin ah oo xabsi daa’in ku xukuman iyo 1,700 qof oo reer Gaza ah oo ay Israel xirtay intii uu dagaalku socday.

Sii-daynta la-haystayaasha ayaa la filayaa inay billaabato ugu horreyn dhammaadka toddobaadkan, waxaana durba socda diyaar-garowga howshaas, sida uu sheegay sarkaal xog-ogaal u ah heshiiska.

“Dhammaan la-haystayaasheena waa la soo celin doonaa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, bayaan uu soo saaray kadib ku dhawaaqistii Trump, laakiin ma uusan bixin wax faahfaahin ah oo intaas dheer.

Inkastoo Israel iyo Xamaas ay hadda ku heshiiyeen is-dhaafsiga, haddana weli ma cadda in dagaalka labada sano jiray ee Gaza uu dhammaan doono.

Netanyahu wuxuu ku adkeystay in Xamaas ay hubka dhigto, taasoo ah dalab ay kooxda militariga ah si cad u diidday. Qodobka hubka Xamaas laguma soo hadal qaadin bayaannadii ku saabsanaa heshiiska ee ka soo baxay Xamaas, Israel, Trump, iyo Qatar.

Netanyahu wuxuu sheegay inuu la hadlay Mr. Trump, uuna Khamiista isugu yeeri doono golihiisa wasiirada si ay u ansixiyaan heshiiska, isagoo ku tilmaamay “maalin weyn oo u soo hoyatay Israel.” 

Dhinaceeda, Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ugu baaqday Mr. Trump, dammaanad-qaadayaasha heshiiska, iyo dhinacyada kale inay ku cadaadiyaan Israel “inay si buuxda u meelmariso shuruudaha heshiiska, oo aan loo oggolaan inay ka weecato ama ka caga-jiiddo fulintiisa.”

Dr. Majed al-Ansari, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda ee Qatar, ayaa sheegay in heshiisku “uu horseedi doono soo afjaridda dagaalka, sii-daynta la-haystayaasha Israel iyo maxaabiista Falastiiniyiinta, iyo sidoo kale fududeynta in gargaar la gaarsiiyo.”

Wuxuu intaas ku daray in faahfaahinta heshiiska goor dambe la shaacin doono.

- Advertisement -

Read more

Local News