26.1 C
Mogadishu
Wednesday, June 11, 2025

Wariyeyaal Maxkamad lasoo taagay !!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa maanta dib loo dhigay maxkamadeynta wariyaal ka tirsan Idaacada Shabeele ee magaalada Muqdisho oo muddooyinkii ugu dambeeyay lagu balansanaa.

Maxkamadeynta wariyaasha ayaa ka dambeysay in dib loo dhigo kadib markii la waayay qareenkii u dacwoon lahaa, kaasi oo la sheegay inuusan tagin xarunta maxkamada gobolka Banaadir.

Xaashi Cilmi Nuur, gudoomiyaha maxkamada gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay maxkamadeynta wariyaashaasi, maadaama la waayay qareenkii u doodi lahaa wariyaasha.

Agaasimaha Idaacada Shabeele Maxamed Muuse Maxamed, oo saxaafada kula hadlay xarunta maxkamada gobolka Banaadir ayaa dhaliilay sababta uu maanta ugu gambiyay qareenkii u dacwoon lahaa.

“Maanta waxaan u balansaneyn dacwadii aan muddo dheer sugeynay eek u aadaneyd dacwada Shabeele iyo wariyaasheeda, waxaa maqnaaday qareenkii aan lacagta siinay oo aan maalmahaan dhan u digeynay”.

Dhanka kale agaasimaha Idaacadaasi ayaa sheegay inay la yaabeen waxyaabaha keenay in maanta ay waayeen qareenkooda oo saacadii ugu dambeeyay ay isla hadlayeen, sida uu hadalka u dhigay.

“Waan garan la’nahay in qareen macruuf ah oo magaalada laga yaqaano inuu gooyo, saacado ka hor ayaan la hadalnay, mana naqaan sababta uu u maqnaa”.Maxamed Muuse Maxamed agaasimaha Idaacada Shabeele.

Dhanka kale waxaa ciidamada nabad sugida qaranka u xiray labo wariye oo ka shaqeynayay Idaacada Goob-joog ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo shalayla xiray kadib markii lagu qabtay qarax ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Hanad Cali Guuleed, madaxa warara Idaacada Goob-joog ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wariyaasha ay wali u xiran yihiin ciidamada nabad sugida lamana oga halka ay u xeran yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News