Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo maanta la wareegay hoggaaminta Gogosha Wadatashiga Qaran oo maalintii labaad ka socota Muqdisho ayaa ku dhowaaqay go’aan xasaasi ah oo uga sii daraya xiisadda taagan.
Ra’iisul wasaare Xamza ayaa shaaca ka qaaday in xukuumaddiisu aanay ka laaban doonin qabashada doorashada qof iyo codka ah ee ay weli diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka dalka, taas oo keentay in dhinacyadu ku kala tegaan saaxadda siyaasadda.
Xamza ayaa sheegay in maanta dadka Soomaaliyeed ay haystaan fursad dahabi ah oo ay uga gudbi karaan doorashadii dadbaneyd, ayna iyagu hirgelin doonaan qof iyo cod.
“Doorashadii dadbanayd ma ahayn mid u dan ah qaranka, qof gaar ah iyo qabiilada Soomaaliyeed toona, maanta waxaan haysanaa fursad taariikhi ah oo aan kaga gudbi karno nidaamkii hore, majirto waddo aan doorasho qof iyo cod aheyn oo noo furan.”” ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in Soomaaliya ay haatan mareyso marxalad uu muwaadinka Soomaaliyeed wax kusoo dooran karo, laguna soo dooran karo, isaga oo sidoo kale sheegay in gogosha fidsan ujeedkooda uu yahay in lagu gaaro heshiis wadar ogol ah.
“Soomaaliya waxa ay maraysa xilligii loo guuri lahaa siyaasad ku dhisan mabaaddi, fursadna loo siin lahaa in muwaadinka Soomaaliyeed la doorto, waxna uu doorto, gogoshan waa gogol aan cidna laga tagin, waxaanna laga qeybgaliyey dhammaan qeybaha bulshada, waxaa jooga dhammaan dadkii doonayey in ay hoggaanka qabtaan” ayuu sii raaciyay.
Waxaa kale oo uu yiri “Dhinaca kale waxaan ka wadnaa dhisidda dowlad dimuqraadi ah, oo leh dastuur dhammeystiran, iyo xaqiijinta midnimada iyo gobonnimada dalkeenna, sidaas darteed; gacanna cadowgeenna ayaan kula dagaaleynaa, gacanna Qaranka ayaan ku dhisaynaa.”
Dhinaca kale waxa ka hadlay caqabada taagan, sida amniga iyo dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna ballan qaaday in arrimahaasi ay wax ka qaban doonaan, si loo gaaro guusha.
“Caqabadaha na hortaaggan ma fududa, howsha noo taallana ma yara, dhinac waxaan ka wajahaynaa cadow halis ku ah diinteenna, dhaqankeenna, dowladnimadeenna iyo jiritaankeenna ummadeed” ayuu intaasi kusii daray Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.
Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan khilaaf xooggan oo ka dhashay hannaanka doorashooyinka oo ay isku hayaan hoggaanka Villa Somalia iyo siyaasiyiinta mucaaradka,