Muqdiso (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa haatan bilaabay kulamo gaar gaar ah oo uu la qaadanayo wakiilada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho, isaga oo kaa hadlaya arrimo xasaasi ah oo ku aadan doorashada, iyo sida ay go’an tahay xukuumadiisa gaaridda qof iyo cod.
Xamza ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Switzerland u fadhiya Soomaaliya Mirko Giulietti, isaga oo kala haday arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha, ayaa Danjire Mirk la wadaagay guulaha ay xukuumadda DanQaran xaqiijisay iyo sida ay uga go’an tahay in Soomaaliya ay gaarto horumar la taaban karo, oo ay hormuud u tahay doorashooyinka dadweynaha talada loogu celinayo .
Dhankiisa safiirka Switzerland u fadhiya Soomaaliy oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladdiisa ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka dib-u-heshiisiinta, nabadeynta iyo horumarinta.
Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu Ra’iisul wasaaruhu la yeeshay danjiraha cusub ee UK u fadhiya Soomaaliya, Mr. Charles Nicholas King, kaas oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka, xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, la-dagaallanka Khawaarijta iyo dardar-galinta Mashaariicda horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya.
Ra’iisul wasaare Xamza ayaa danjiraha UK la wadaagay guulaha la xaqiijiyey ee ay kamid yihiin la dagaallanka Khawaarijta iyo hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ay dadweynuhu ku soo doortaan cidda hoggaamineysa, taas oo hadda qeybo kamid ah dalka ay ka socodaan diiwaangelinta codbixiyaasha doorashooyinka.
Shalay sidoo kale Ra’iisul wasaaruhu wuxuu xafiiskiisa ku qaabilay anjiraha dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Ahmed Juma Al-Rumaithi oo ay ka wada-hadleen adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya ee labada dal ee ku dhisan wax-wada qabsiga.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, waxaana muran xooggan uu ka dhashay hannaanka lagu wajahayo doorashooyinka 2026, kadib markii xubno mucaaradka iyo laba Maamul-goboleed ay ka biyo diideen qorshaha Villa Somalia