Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay dagaalka kooxda Al-Shabaab ee ka socda qeybo ka mid ah gobollada dalka.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixin faah-faahsan oo ku aaddan dagaallada socda ee lagu ciribtirayo argagixisada, iyada oo goluhu bogaadiyey geesinimada iyo naf-huridda ciidanka qaranka iyo kuwa deegaannada ee dagaalka kula jira Shabaab.
Waxa uuna caddeeyey muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo booqashada furimaha dagaalka, si loo dhiirageliyo geesiyaasha qaranka u halgamaya.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo kulanka guddoominayey, ayaa golaha warbixin ka siiyey booqashadii uu ku tagey furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose maalintii ciidda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa wuxuu golaha faray in la joogteeyo taakuleynta iyo garab-istaagga ciidanka qaranka, si looga adkaado cadowga kusoo duulay dalkeenna.
Dhinaca kale, Wasaaradda batroolka iyo macdanta ayaa kulanka golaha wasiirrada ku soo bandhigtay halka ay marayaan howlaha shidaal baarista ee socda iyo caqabadaha jira.
Wasaaradda ayaa caddeysay in ka hor dhammaadka sanadkan la soo gabagabeyn doono shaqada baarista ee loo yaqaan (3D Seismic Survey), si loo cayimo goobaha shidaalku ceegaago, looguna gudbo heerka xiga ee qodaalka ceelasha shidaalka.
Shirka golaha ayaa ugu dambeyntiina lagu ansixiyey soo jeedinta wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee ku aaddan Agaasime ku-xigeenka hay’adda istaatistikada qaranka, Cabdiraxmaan Cumar Daahir oo loo cusbooneysiiyay muddo xilleedka.