26.5 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Xamza oo tallaabo culus u qaaday hirgelinta qorshaha Villa Somalia + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta hirgelinta qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan, sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah, taas oo muran xooggan uu ka taagan yahay.

Xamza ayaa maanta guddoomiyay shir ballaaran oo lagu gorfeynayey dhammaystirka hawlaha doorashooyinka Dowladaha Hoose ee dhawaan dalka ka qabsoomi doona, si loo soo doorto goleyaasha deegaanka oo lagu bilaabi doono gobolka Banaadir.

Inta uu socday shirkan oo ay ka qayb-galeen wasiirrada wasaaradaha sida tooska ah ula falgala hawsha doorashooyinka, ayaa waxaa lagu dhageystay warbixin ay soo jeediyeen Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, oo soo bandhigay halka ay wax marayaan iyo dadaallada uu wado guddiga ee ku aadan doorashooyinka qof iyo codka ah.

Guddoomiyaha guddiga, Mudane Cabdixakiim Axmed Xasan oo kulanka ka hadlay sheegay in hawshu ay meel wanaagsan marayso, lana diyaariyey dhammaan adeegyadii loo baahnaa, si loo qabto doorashada.

Dhankiisa Ra’iisul wasaare Xamza oo hadalka qaatay ayaa uga mahadceliyay guddiga iyo wasaaradaha ka qeyb qaadanaya fulinta barnaamijkan, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay qabashada doorashada Qof iyo Cod, iyada oo ugu horrayn la bilaabayo doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale, isla maanta Muqdisho ka dhacay kulan kale oo dhex-maray Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Ururrada Siyaasadda ee is-diiwaangeliyay, kaas oo guud ahaan diiradda lagu saaray doorashooyinka ka bilaabanaya magaalada Muqdisho, waxayna dhinacyadu gorfeeyeen daruufaha ku hor-gudban doorashooyinka la filanayo inay ka dhacaan dalka.

Guddiga ayaa ugu baaqay ururrada inay soo gudbiyaan liiska musharraxiinta uga qayb-geleysa doorashooyinka dhawaan ka bilaabanaya gobolka Banaadir, si howsha loo guda-galo.

Si kastaba, tallaabooyinkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli mucaaradka la baxay Madasha Samatabixinta iyo labada maamul ee Jubbaland iyo Puntland ay bannaanka ka joogaan doorashooyinkan, iyaga oo weli cabasho ka qabo hannaanka ay wax u waddo Villa Somalia.

- Advertisement -

Read more

Local News