Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaan Nasiib Muuse oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in mooshin xil ka xayuubin ah laga wado Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo horey u soo noqday guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, haddana ah xildhibaan ka tirsan golaha wakiillada.
Xildhibaanka ayaa wararka sida weyn u baahay ku tilmaamay mid been-abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn. Tan ayaa meesha ka saareysa inuu jiro ama socdo qorshe xil ka xayuubin ah oo ka dhan ah guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland.
Nasiib ka hadlayay kulan dadweyne oo lagu qabtay magaalada Boosaaso, ayuu ka sheegay in aysan jirin wax war ah oo la xiriira mooshin ama qorshe xilka looga qaaday Cabdirashiid.
Wuxuu xusay in aan Baarlamaanka la horgeyn wax codsi ah ama mooshin rasmi ah oo ku saabsan arrintaasi. “Warkaasi ma ogin mana maqal, waxaasi waa been abuur aan sal laheyn,” ayuu yiri Nasiib.
Xildhibaanku wuxuu sheegay in xubin kasta oo ka tirsan Baarlamaanka uu leeyahay xuquuq dastuuri ah oo aan la jebin karin haddii uusan jebin sharciga ama dastuurka Puntland. Sidaas darteed, ayuu carabka ku adkeeyay in aysan jirin cid sharci ah oo tallaabo ka qaadi karta xildhibaan Cabdirashiid haddii uusan maxkamad ama xeer ilaalin si cad ugu eedeynin dembi.
Sidoo kale wuxuu sheegay in wararka la faafiyay ay yihiin kuwo ujeedooyin gaar ah laga leeyahay oo aan u adeegaynin midnimada iyo nabadda deegaanka.
Sida uu hadalka u dhigay Nasiib Muuse, Baarlamaanka Puntland ma laha qorshe ah in ay xilka ka qaadaan xildhibaano ku biiray mucaaradka, maadaama dastuurka Puntland uu si cad u dhigayo habraaca loo maro xilka qaadista. Wuxuu tilmaamay in qof kasta oo xil haya laga rabo in haddii wax lagu haysto, arrintaas loo maro dariiqa sharciyeed ee saxda ah.
Xildhibaan Nasiib wuxuu sidoo kale xusay in dastuurka Puntland uu yahay mid ilaalinaya xuquuqda xildhibaannada, isla markaana u oggolaanaya inay aragtidooda siyaasadeed cabbiraan iyagoo aan laga cabsan karin cadaadis. Sidaas darteed, wuxuu ugu baaqay warbaahinta iyo bulshada in aysan faafin warar aan la xaqiijin oo abuuri kara kacsanaan siyaasadeed.
Ugu dambayntiina wuxuu Xildhibaanku shacabka Puntland u xaqiijiyay in Baarlamaanku uu ku shaqeynayo danta guud iyo xasilloonida deegaanka, isla markaana uu Baarlamaanku ka fogaaday wax kasta oo horseedi kara kala qaybsanaan iyo xiisad siyaasadeed.

