Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.
Howlgalka oo u dhacay sidii loo qorsheeyay ayaa waxaa lagu qaaday horjoogayaal ka tirsanaa Khawaarijta oo ku sugnaa deegaanka Maduulow ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana halkaas lagu gaarsiiyay jab culus, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.
Qoraal aksoo baxay Warbaahinta qaranka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka ay qaadeen ururka 26-aad, guutada 6-aad ee qaybta 60-aad ciidamada Xoogga dalka, kaas oo u dhacay sidii loo qorsheeyay.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay inay dileen laba horjooge oo lagu kala magacaabo Xasan Biid iyo Cabdullahi Garweyne, kuwaas oo dhibaato ku hayay dadka deegaanka.
Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay burburiYeen saldhiggii ay ku sugaayeen xubnaha la dilay oo ay tilmaameen inay gabaad ka dhigi jireen muddo dheer.
Waxaa kale oo ay hoosta ka xariiqeen in ay sii wadi doonaan howlgallada, ujeedkana uu yahay in gobolka laga caribtiro maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.
Khawaarijta ayaa ku xooggan Shabeellaha Hoose, waxaana badanaa ay weeraro ka fulisaa gobolkaasi, waxaana ugu dambeeyay odegmada Awdheegle oo ay qabsadeen.
Shabeellaha Hooose, sidoo kale waxay argagixisadu kasoo abuubushaa inta badan weerarada iyo qaraxyada ka dhaca Muqdisho, maadaama uu daris la yahay caasimada.
Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka soconaya guluf ka dhan ah Al-Shabaab, gaar ahaan labada Shabelle oo ay culeys soo saareen, iyaga oo qabsaday deegaanno horay looga xoreeyay.