Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed oo wada jooga Rome iyo qorshe culus oo socda

Rome (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, sidoo kale waxaa halkaasi ku sugan ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Xasan iyo Abiy ayaa xalay ku wada hoyday Rome oo ay maanta uga qeyb-galayaan Madasha Talyaaniga iyo Afrika, oo ah shir muhiim ah oo ay isugu imaanayaan madax ka kala socota Afrika iyo Yurub.

Inkasta oo ajendaha shirkaan aysan ku jirin hadana Talyaanigu wuxuu qorsheynayaa in xal laga gaaro mushkiladaha Soomaalida iyo Itoobiyaanka ee maalmahaan gilgilay Geeska Afrika, sida ay Caasimada Online u sheegeen diblumaasiyiinta gacanta ku heysa qaban qaabada shirka.

Ma cadda in Xasan uu aqbali doono kulan gaar ah oo uu la qaato Abiy, hase yeeshe ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa si weyn u daneynaya inuu si gaar ah ula kulmo Xasan, si cadaadiska caalamiga ah uga yaraado, mana u badna inay u mari doonto.

Shirkan ayaa noqonaya kii labaad ee madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya ay ka wada qeyb galaan tan iyo markii ay qaraxday xiisadda labada dal ee salka ku haysa heshiiskii Addis-Ababa ay ku gaareen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi.

Sida ay shaacisay Villa Soomaaliya, Madaxweyne Xasan ayaa qorshuhu yahay inuu shirka ka jeediyo khudbad uu diiradda ku saarayo iskaashiga dhaqaale, fududeynta isu-socodka iyo arrimaha amniga.

Sidoo kale waxa uu ku soo bandhigi doona muhiimadda xasilloonida gobolka, ixtiraamka mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka, isagoo si gaar ah u dul istaagi doona xad-gudubka ka dhanka madax-bannaanida Soomaaliya ee dhawaan ay Itoobiya ku dhiirratay.

Si kastaba, shirkaan ayaa imanaya xilli ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu maalmo kahor si cad u sheegay in dalkiisu uusan xoog ku raadineyn bad uu leeyahay dal kale oo marnaba aysan la dagaalami doonin Soomaaliya.

Abiy ayaa markaas sheegay in Itoobiya ay ixtiraameyso midnimada Soomaaliya, wuxuuna hadalkaasi wax badan ka bedelay wajigii ay laheyd xiisadda labada dal ee salka ku haysa heshiiskii is-afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya.