Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo war kasoo saaray doorashadii maanta ka dhacday magaalada Laascaanood ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee maamul-goboleedka Waqooyi Bari Cabdulqaadir Axmed Aw-cali iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdirishiid Yuusuf Jibriil.
Ugu horreyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey bisaylka ay muujiyeen Xildhibaannada, Guddoonka iyo musharraxiinta Madaxtinimada ee ku loollamay Waqooyi Bari Soomaaliya, isaga oo ku dhiirogeliyay tallaabada ay qaadeen.
Sidoo kale wuxuu Alle uga rajeeyey Hoggaanka la doortay in uu u fududeeyo gudashada masuuliyadda culus ee hortaalla.
“Waxaan u rajeynayaa Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-cali iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil in uu ka yeelo hoggaan mideeya bulshada Waqooyi Bari, kana shaqeeya nabadda, horumarka iyo dowladnimada. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay in ay garab istaagto dowlad-goboleedka si wadajir loogu xaqiijiyo dhammaystirka Federaaleynta” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku adkeeyey bulshada iyo hogaanka cusub ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari in ay adkeeyaan midnimada, wadajirka iyo iskaashiga, si looga gudbo caqabadaha jira loona gaaro horumar waara.
Dhankiisa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha cusub ee loo doortay Dowlad Gobolleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Awcali (Firdhiye), iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, isaga oo sheegay in doorashadooda ay muujinayso biseyl siyaasadeed iyo dadaalka shacabka Waqooyi Bari ay ugu jiraan helitaanka adeeg dowladeed oo dhammeystiran.
Xamza ayaa sidoo kale xusay in xukuumaddiisa ay dadaal badan gelisay xoojinta nidaamka dowladnimada iyo horumarinta hannaanka Federaaleynta dalka maantana la gaaray miro-dhalka dadaalladaasi.
Guusha Firdhiye iyo Abwaan oo la fahamsan yahay inay lug lahayd Villa Somalia ayaa si weyn loo dareemay, waxaana durbo Laascaanood ka bilowday dabaal-degyo waawayn iyo damaashaad farxadeed.
Si kasta ha’ahaatee, tallaabadan ayaa loo arkaa fursad kale oo muhiim ah oo ay heshay Villa Somalia, maadaama maamul taabacsan ay ka aas aastay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.