XASAN ma kala diri karaa baarlamanka..? Qodob laga saaray dastuurka iyo sharci ahaanshaha.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa ka sii daraya is-heysadka sharciyeed ee ku saabsan Mooshinka madaxweynaha, waxaana dood weyni ka taagan tahay in Maxkamadda sare loo gudbiyo mooshinka si sharci ahaan loo eego mooshinkaasi. Waxaa dhinaca kale barbar socda dastuurkii 1960-kii awoodaha uu siinayo Madaxweynaha.

Kadib markii la waayay Maxkamadii sare ee Dastuuriga ahayd ayaa waxaa dib loogu laabtay Dastuurkii 1960 oo qoraya in Maxkamadda sare loo gudbiyo haddii aanay jirin maxkamadda Dastuuriga ah, taasoo ay hadda ku doodayaan xildhibaanada wada mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawari) ayaa la-tashiyo kala duwan la yeeshay xildhibaano sharci yaqaano ah waxayna kula taliyeen in Mooshinku sharci ahaantiisa aan meelna la saarin karin oo ay ku haboon tahay in xal aan sharci ahayn loo helo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu ka baaraan degayo tallaabo sharciyeed inuu ku dhaqaaqo haddii guddoomiyaha Baarlamaanka u gudbiyo Maxkamada sare, taasoo ah inuu kala diro Baarlamaanka oo ahaa qodob laga bedelay Dastuurka KMG ah, balse ku jira dastuurkii 1960-kii.

Qodobka laga bedelay Dastuurka KMG ah ee hadda dowladdu ku dhaqanto hoos ka akhri

 

 

Qodobka 75aad

Kala-dirista Gololaha Shacbiga

Golaha Shacabka waxaa kala diri kara madaxweynaha kadib marka ay muddada xilhayntiisu dhammaato sida ku xusan qodobka 67 (1)