Waxaan cadeynayaa laga billaabo maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 20/02/2017 In aan iska casilay ka sii mid ahaanshiyihii Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (PDP).
Xisbiga ayaan wakiil uga ahaa wadamada Yurub laga soo billaabo 20/07/2011, oo ahayd maalintii iigu horeysay ee aan ku biiray.
Waxaan waqti badan sida bulsha badan igu taqaanay ka tirsanaa Xisbiga (PDP) oo aan dadaal fara-badan iyo waqti adag ku bixiyay iyadoo aan wada ogsoonnahay dalkeena oo mushkilad adag ku jiray, kana dhaqangelin sharciga hirgalineed ee xeerka xisbiyada dalka.
Ujeedka iscasilaadayda
Marka aan qiimeeeyay in badan waqti dheerna aan la soo shaqeeyay kooxdii aan isku xisbiga ahayn oo aan in muddo ah kala aragti duwnayn ayaan go’aansaday in aan bulshada Soomaaliyeed u cadeeyo in aan ka tanaasulay ka sii mid ahaanshiyaha Xisbiga PDP, oo gudoomiye uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee dalka.
Xasan Sheekh Maxamuud waxaan ku kala feker duwanayn habka iyo sida wax loo maamulayay intii uu xafiiska joogay, inkastoo uu meel wanaagsan soo gaarsiiyay dalka, anigoona ku ammaanaayo in si nidaamka waafaqsan uu xilka ugu wareejiyay Madaxweynaha la doortay, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).
Mahadcelin:-
Waxaa mahadcelin aan la soo koobi karin ujeedinayaa saaxibadii aan ka wada tirsanayn xisbiga iyo asxaabtii marwaliba taageerada iila daba joogtay, oo ay qayb ka tahay bahda Saxaafadda.
Gabagabadii:-
Waxaan cadaynayaa in aanan ahayn shakhsi aaminsan ama ka mid noqday urur diimeed ama firqo.
(Wa biillahi Toowfiiq).

