26.1 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Xasan oo ka guuray madaxtooyada hal arrina ka codsaday Farmaajo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka soo gaarayo caasimadda Online  ayaa xaqiijinayo in Madaxweynihii waqtigiisa dhamaaday ee dhawaan xilka ku wareejin doono Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu boorsooyinka ka xir  xirtay kana guuray Villa Soomaaliya maadama berri uu Farmaajo la wareegi doono.

Wararka ayaa sheegayo in Xasan Shiikh Maxamuud uu Madaxweynaha cusub iyo beesha caalamka si  sharaf ah uga codsaday in loo ogolaado ilaalo amaankiisa sugto inta uu dalka joogo.

Madaxweynaha ayaa si weyn looga aqbalay codsigiisa waxaana la filayaa in la siiyo ciidamo gaar ah oo  amaankiisa ilaalin doonto.

Dadka ku dhaw dhaw madaxweynaha ayaa sheegayo inuu Xasan dareemayo dadaal farabadan isla markaasna uu qorsheenayo inuu dibadda u baxo si uu usoo hubiyo caafimaadkiisa maadaama uu galay dagaal culus oo xagga siyaasadda ah oo ugu dambeyntii keenay inuu guuldaro xanuun badan  la kulmo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News