27 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Xasan oo ku qasban inuu kala doorto laba arrimood kadib war-murtiyeedkii Kismaayo

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan la kulmaya culeys siyaasadeed oo ka dhashay go’aannadii xalay ka soo baxay shirkii Golaha Mustaqbalka ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku qasban yahay inuu kala doorto laba arrimood, gaar ahaan ajendaha siyaasadda iyo ajendaha qaranka.

Sidoo kale, wuxuu aad u bogaadiyay war-murtiyeedka shirka Kismaayo, isaga oo tilmaamay in ay ka muuqato bisayl siyaasadeed iyo khibrad intaba.

“Warmurtiyeedka Kismaayo waxaa ka muuqata bisayl iyo khibrad ay culeyska u leexiyeen dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh. Qodobka 7aad wuxuu Madaxweynaha kala dooran siinayaa ajandaha siyaasadda iyo ajandaha qaranka” ayuu qoraalkiisa ku yiri agaasimihii hore ee Hay’adda NISA.

Waxaa kale oo uu falcelintiisa kusoo koobay laba qodob oo xasaasi ah, isla markaana toos ugu socda Madaxweynaha Soomaaliya.

“Tan koowaad, inuu noqdo Madaxweynihii ugu dambeeyeay Jamhuuriyadda 3aad, taariikhdana ku galaya kala irdheynta iyo kala tagista Soomaalidii midaysnayd. Laba doorasho hadday dalka ka qabsoonto waa jab ay adag tahay in dib loo soo kabto” ayuu mar kale yiri Fahad Yaasiin.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Tan labaad waa inuu noqdo Xasankii 2015 oo uu dalka isku hayo, oo doorasho heshiis lagu yahay qabto. Ajandaha qaran ee maanta waa inuu gogol ku baaqaa oo miiska wadahadalka soo fariistaa”.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo xalay madaxda Jubbaland, mucaaradka iyo Puntland ay isku raaceen haddii Madaxweynaha uu iska dhago tiro baaqooda in ay geli doonaan sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah oo ka dhaca dalka, qalalaase amni iyo halista argagixisada.

- Advertisement -

Read more

Local News