25.6 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

Xasan oo maalgashadayaal waa wayn ku qaabilay Madaxtooyada + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta Xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ganacsato iyo maalgashadayaal ah oo ka socday dalka Talyaaniga, kuwaasi oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Xubnahah ayaa caasimada uga qayb galay shir ku saabsanaa iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, kadibna waxaa maanta si weyn Madaxtooyada ugu soo dhaweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxaa kulan ay yeesheen labada dhinac goobjoog ahaa Danjiraha dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka dhaqaale iyo kobcinta iskaashiga ganacsi ee labada dal, iyada oo  wafdiga Talyaaniga ay ka mid ahaayeen maamulayaasha shirkado ganacsi, warshado waaweyn iyo maalqabeenno daneynaya in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ganacsatada ku boggaadiyey booqashadooda Muqdisho ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay maanta ku tallaabsanayso isbeddel ballaaran oo dhanka amniga, dib u dhiska dhaqaalaha iyo abuurista jawi dhiirrigelinaya maalgashiga caalamiga ah.

Sidoo kale, wuxuu ku boorriyey in ay si dhow uga faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, gaar ahaan dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, tamarta, kalluumeysiga, beeraha, warshadaha iyo adeegyada bulshada.

Dhankooda, wafdiga ganacsatada iyo maalgashadeyaasha ka socday Talyaaniga ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran iyo fursadda qaabilaadda ah ee uu siiyay, iyaga oo muujiyay sida ay u daneynayaan ka faa’iideysiga fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan dhanka suuqyada soo koraya iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda.

Talyaaniga ayaa kamid ah dowladaha reer Yurub ee haatan xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale taageero kala duwan siiyaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News