Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo la hadlay warbaahinta Al Jazeera, ayaa ka warbixiyay heshiiska dhex maray Somaliland iyo Israa’iil, kaas oo ay Israa’iil Somaliland ugu aqoonsatay dal ka madax-bannaan Soomaaliya.
Madaxweynaha, oo ku jira safar diblomaasiyadeed oo uu taageero ugu raadinayo go’aanka dalkiisa, ayaa hadda ku sugan Turkiga, isaga oo horay u soo maray Jabuuti. Wuxuu ka hadlay warar soo baxay, isagoo sheegay in Somaliland ay oggolaatay saddex shuruudood oo ay Israa’iil dalbatay, kuwaas oo la sheegay in ay “ku beddeshay aqoonsi” ay ka hesho Israa’iil iyo xulafadeeda.
“Xogta hoose ee aan hayno waxay sheegaysaa saddex qodob oo muhiim ah in ay ku heshiiyeen; qodobka koowaad waa in Falastiiniyiinta loo soo raro Somaliland, qodobka labaadna waa in Israa’iil saldhig militari ka samaysato Gacanka Cadmeed, qorshaha saddexaadna waa in Somaliland qayb ka noqoto dowladaha ku jira heshiiska Abraham. Kuwani waa saddexda dalab ee Israa’iil ee Somaliland aqbashay,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya oo u warramayey TV-ga Al Jazeera.
Wuxuu intaas ku daray in, haddii ay dhaqan galaan qodobadan, ay noqon doonaan “halis amni oo caalamka kaga imaan doonta Geeska.”
“Haddii saddexdaas qodob dhaqan galaan, Soomaaliya waxay u furi doonaan irid dhibaato oo hor leh, waxayna horseedi doonaan xasillooni-darro,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Dhanka Somaliland
Sida ay Israa’iil iyo dhinaca Somalilandba sheegeen, heshiiskoodu wuxuu ku salaysan yahay iskaashi buuxa oo dhinacyada amniga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, tignoolajiyada, iyo siyaasadda dibadda.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Maxamed Cabdiraxmaan Xasan, oo BBC Soomaali la hadlay, ayaa si buuxda u beeniyay xogtan sheegaysa in Somaliland aqbashay qodobbo khatar ku ah amniga qaaradda. Wuxuu sheegay in “dad raba inay Somaliland sumcadeeda hoos u dhigaan ay wadaan” isla markaana “arrintaas meel looga wada hadlay iyo cid isku soo hadal qaaday ma jirto; dooddaasna ma taagna.”
Agaasimuhu wuxuu intaas ku daray in aysan jirin arrin ku saabsan in Israa’iil saldhig militari ka dhisan doonto deegaannadaas, isla markaana ay doonayso in ay kaga wararto Xuutiyiinta Yemen. “Arrintaasi lafteedu waa mid aan meesha ku jirin oo aan la isku soo hadal qaadin. Sida aan filayo, waa arrin la doonayo in lagu waxyeeleeyo damaashaadka iyo farxadda ictiraafka,” ayuu yiri Agaasime Cabdiraxmaan.

