Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda 20-ka urrur siyaasadeed ee ka qayb-galay doorashadii taariikhiga ahayd ee ka dhacday magaalada Muqdisho.
Doorashada oo aheyd mid lagu soo dooranayay golaha deegaanka degmooyinka gobolka Benaadir ayaa 25-kii bishan si nabdoon u dhacday caasimadda dalka.
Madaxweynaha ayaa madaxda ururada ku bogaadiyay doorkii wanaagsanaa ee ay ka qaateen hirgalinta hannaanka dimuquraadiyadda dalka iyo dhabar adeygii ay muujiyeen.
Xasan ayaa hoosta ka xarriiqay in tallaabadaasi bilow u ahayd, xaqiijinta himmilada weyn ee Soomaaliya nabad ah, dimuquraadi ah, isku filan, isla markaana horumarsan.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta ururada kala hadlay sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen, qadiyadda difaaca qarannimada iyo ilaalinta midnimada dalka.
Waxa uuna ku booriyay in ay muujiyeen diidamadooda ka dhanka ah damaca gurracan ee kala qaybinta dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Dhankooda, Madaxda ururada ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku bogaadiyay, go’aankiisii dhaxal galka ahaa ee hirgalinta doorashooyinka qof iyo cod, si talada dalka dib loogu celiyo shacabka.
Sidoo kale, waxa ay tilmaameen in ay dowladda si buuxda ugu garab taagan yihiin difaaca dalka iyo ilaalinta midnimada shacabka Soomaaliyeed.












