Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo kulanka u dhexeeya Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Odayaasha Dhuusamareeb ayaa sheegaya inuu yahay mid aan weli laga gaarin miro dhalkii laga lahaa.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo u kuurgalaaya xal ka gaarista Khilaafyadaasi, ayaa waxa uu habeenkii labaad ku hoyday magaalada iyadoo uusan weli ka quusan rajadii uu ka lahaa in Odayaasha Dhuusamareeb ay ka tanaazulaan ad adeega ah in shirka uu dhankooda ka furmo, islamarkaana ay fursadaasi u ogolaadan Cadaado.
Mid kamid ah Xildhibaanada socdaalka ku wehliya Madaxweynaha ayaa inoo xaqiijiyay in Xasan Sheekh arrinta Khilaafka Odayaasha uu habeenimadii xalay hordhigay Xubnaha la socda ee ka kala tirsan labada Gole ee DF Somalia, kadib markii uu ku jahwareeray.
Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Xubnaha uu Madaxweynaha u xil saaray arrinta Khilaafka ay durbadiiba la kulmeen Odayaasha si xal buuxa looga gaaro ka hor inta uusan Madaxweyne Xasan dib ugu soo laaban Magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.
Sidoo kale, waxa uu Xildhibaanku farta ku goday in Odayaashu ay iminka heystaan fursado kama dambeys ah, lana filaayo in Madaxweynaha uu ku dhawaaqo go’aan saacadaha fooda nagu soo hayo, waa hadii ay Odayaasha kusii adkeystaan go’aankooda.
Waxaan lasii saadalin karin go’aanka uu ka qaadan doono madaxweyne Xasan Sheekh halka ay noqonayso gogosha shirka gobolada dhexe ee Soomaaliya. Iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in oday dhaqameedyo caan ah ay ku adkeysanayaan in shirka lagu qabto magaalada Dhuusomareeb.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]