Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka qaybgalay munaasabad casho sharaf ah oo loogu sameeyay qasriga madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan fashilka ku yimid wada-hadalladii uu la yeeshay mucaaradka.
Ugu horreyn madaxweynaha ayaa weerar culus ku qaaday xubnaha ku midoobay Madasha Samatabixinta, wuxuuna ku eedeeyay in ay diideen in la gaaro xal waara, isaga oo sidoo kale xusay in mucaaradka jira aanu lahayn aragti mideysan oo lagu hormarin karo dalka.
“Walaalaha maanta qaylinayo iyo kuwa maqanba markaas ayaan dhex fadhiisanay annagaa marti qaadnay tikidho u dirnay dajinay meel u tagnay dhageysanay la shirnay, mar kale ayaan haddane isugu yeernay iyagii 5 shir oo kala duwan aan la fadhiisanay waxay kusoo dhamaatay amuurtii dastuurkii 2012-kii haloo noqdo” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale faah-faahiyay arrimaha la’isku qabtay, wuxuuna tilmaamay in wax ka beddalka dastuurka ay dood ka keeneen mucaaradka, gaar ahaan cutubka 4-aad, kadib markii ay dalbadeen in gebi ahaan laga laabto, taas oo keentay in lagu kala kaco shirka.
“War Chapter 4-kii 2012 nama anfacayo waxbaa ka dhiman war saan ma’ahan Chapter 4 qaata waxa aad rabtiin noo keena soo qora idinkana aan ka doodno maya waa diideen”. ayuu sii raaciyay Madaxweynuhu.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Waxaan rabaa walaalaha Soomaaliyeed inaan u sheego Xasan Sheekh iyo Soomaaliya waaa kala wayn yihiin, Soomaaliya ayaa wayn in Xasan Sheekh aad xag xagataa Soomaaliya waxa ugu tari maysid war ra’yi aan la nimaano war badeecad siyaasadeed suuqa siyaasadda la imaada hala idinka iibiyee”.
Xasan Sheekh oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisa ay abuurtay fursado badan oo wadahadal ah, isla markaana la tashiyo lala sameeyay qaylabaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, welina ay diyaar u yihiin in laga wada-hadalo xaaladda dalka, balse aysan ogolaan doonin in Soomaaliya lagu sii hayo halkeeda.
“Dowladdan sida ay talada u timid 2022 inta shir ee kala nooc nooc ah ee ay qabatay waa sheegayaa horay uma dhicin, culumo isu keen shiri, dowlad-goboleedyo keen, ganacsato isu keen caalamka iyo gudaha shiri yacni bulshada qaybaheeda kala duwan cid aanan la shirin oo la waydiin talada waddanka ma jirto” ayuu markale yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo horay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka dalka, ay shaaciyeen fashilka wada-hadalladii ay la yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya ee xalka loogu raadinayay khilaafka siyaasadeed ee taagan, waxayna mas’uuliyadda dhabarka u saareen Xasan Sheekh oo isna xalay iska fogeeyay.
Madasha oo horay usoo saartay bayaan ka kooban laba bog, ayaa ku baaqay afar qodob oo ay ugu horeyso in dib loogu laabto dastuurkii 2012 ee ay bulshada Soomaaliyeed heshiiska ku aheyd ee ku saleysnaa nidaamka Baarlamaaniga. Madasha ayaa sidoo kale nasiib darro ku tilmaamtay in 5 kulan wadaxaajood oo socday muddo bil iyo bar ah laga gaarin wax natiijo ah oo dalka iyo dadka looga badbaadin lahaa khilaafka.