27.1 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Xasan Sheekh oo amray in garoonka Muqdisho…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa amray in wax badan laga badalaa qaabka hadda loo sugo amaanka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, maadaama amaanka garoonka uu yahay mid muhiim ah.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in amaank buuxa oo la isku haleyn karo oo laga dareemayaa garoonka Aadan Cadde uu horseedi doono in duulimaadyo caalami ah yimaadaan magaalada Muqdisho.

Madaxda cusub ee garoonka diyaaradaha iyo laamaha amaanka ayuu sheegay in loo baahan yahay iney isku dayaan sidii loo tayen lahaa amaanka garoonka Muqdisho oo muhiim u ah duulimaadyada caalamiga, sida uu sheegay.

“Tayeynta amniga garoonka diyaaradaha waxa uu sare u qaadayaa sumcadda garoonka iyo kordhinta duulimaadyada heerka caalami. Sidaa daraadeed, waxaan madaxda cusub ee amniga iyo maamulka garoonka diyaaradaha Aaden Cadde aan ugu baaqeynaa in si deg deg ah wax looga badalo xaalada amni ee haatan ka jirto garoonka maadaama garoonku uu yahay isku xira dalka iyo dunida inteeda kale” ayuu yiri, Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud.

Hadalkaan ayuu Xasan Sheikh maxamuud jeediyay kadib markii uu kulan gaar ah la qaatay saraakiisha dhanka amaanka ee garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana goobjoog ka ahaa masuuliyiin kale oo dowlada Soomaaliya ka tirsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News