Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta heshiis la gaaray xubno kamid ah mucaaradka oo ka baxay Madasha Samatabixinta ayaa aqbalay in doorashada madaxtinimada la isla aado teendhada Afisyoone.
Tan ayaa ka dhigan in doorashada soo socota ee Madaxtinimada Soomaaliya ay ka dhici doonto teendhadii lagu soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana ay Madaxweynaha soo dooran doonaan 329 Xildhibaan labada Aqal ee baarlaamanka Soomaaliya.
Xasan Sheekh oo muddooyinkii dambe diidanaa in dib loogu laabto teendhada ayaa ugu dambeyn maanta aqbalay, kadib diidmo adag uga timid mucaaradka iyo cadaadiska beesha caalamka ee in aan la qaban karin doorasho dadweyne oo heer Madaxweyne ah.
Sida ka muuqata war-murtiyeedka ay sida wadajirka ah u soo saareen xukuumadda iyo xubnaha mucaaradka ah ee ka baxay Madasha Samatabixinta, Madaxweyne Xasan ayaa qodobkan ku bedeshay kuwa kale oo haatan u arko kuwo dan ugu jirto.
Madaxweynaha ayaa qodobada qaar ee doorashada qof iyo cod ku adkeystay, sida in golayaasha deegaanka, baarlamaanka iyo labada aqal ay noqdaan kuwa loogu tartamo doorasho dadweyne.
Xildhibaannada ayaa ku imanaya doorasho qof iyo cod, iyadoo xubnaha baarlamaanka lagu soo saaran doono ururro, taas oo ka dhigaysa “ururrada xubno badan soo saarta in ay noqon doonaan xisbiyo qaran.”
Heshiiskan cusub ayaa dhigaya in doorashooyinka dalka lagu saleeyo xeerka doorashooyinka 2024 iyadoo la tixgelinayo qodobada cusub ee soo kordhay, isla markaana si dhakhso ah loo qabto doorashooyinka heer deegaan, heer dowlad-goboleed iyo heer federaal.
Baarlamaanka Federaalka iyo golayaasha dowlad-goboleedyadu ayaa dooranaya Madaxweynaha Soomaaliya, halka golayaasha wakiiladuna ay dooran doonaan hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada.
Si kastaba, Xasan Sheekh oo heshiiska kadib la hadlay bulshada Soomaaliyeed iyo xubnaha kale ee mucaaradka ayaa sheegay in dowladdiisa ay marwalba diyaar u tahay in miiska wada-hadalka xal looga gaaro kala aragti duwanaashah siyaasadeed, isagoo si cad u sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in Soomaaliya lagu hayo halka ay taagan tahay, ayna tahay inay hore uga socoto si ay ula jaanqaado caalamka.