Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Al Carabiya ayaa si adag uga hadlay xiisadda Somaliland ee ka dhalatay aqoonsiga ay ka heshay Israa’iil, kaas oo ay horay u diiday dowladd federaalka.
Xasan Sheekh ayaa hanjabaad culus u diray hoggaanka Somaliland, haddii aanay ka joogsan waddada ay ku socdaan ee gooni u goosadka ah, wuxuuna sheegay inay arrintu tagi karto awood isku maquunin.
Mar wax laga waydiiyay in uu awood ciidan ku wajahayo arrinta Somaliland, ayaa waxa uu sheegay in ‘goosashu’ ay ka daran tahay argagixisada.
“Wax kasta waa suuragal, marka amniga Qaranku halis galo.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in uusan sii jiri doonin mashruuca gooni u goosadka ah ee Somaliland, isaga oo tilmaamay in markii ay taasi ogaadeen inay u bareereen heshiiska Israa’iil.
“Somaliland waa mashruuc aan sii socon karin, sababtaas ayey hoggaankeedu isugu tuureen Israa’iil” ayuu mar kale yiri Madaxweynuhu.
Dhinaca kale, Somaliland ayaa si deg-deg ah uga soo jawabtay hanjabaadda Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana soo hadlay Wakiilka Somaliland ee Mareykanka Bashiir Good.
Waxa uu carrabka ku dhuftay in Madaxweynaha Soomaaliya uu isku ilaaliyo ciidan oo kaliya, isla markaana haddii uu awood lahaan lahaa uu isaga dhicin lahaa argagixisada.
“Madaxweynaha Muqdisho xafiiskiisa kama bixi karo haddii aanay ciidamo badan iyo tikniko la socon, haddii uu awood leeyahayna argagixisada ayuu ka adkaan lahaa” ayuu yiri Bashiir Good.
Dowladda Federaalka iyo Somailand ayaa haatan si weyn isku haya, waxaana xiisaddooda sii kiciyay aqoonsiga ay dhawaan ku dhawaaqday inay Israa’iil siisay maamulka Hargeysa.

