28.5 C
Mogadishu
Friday, November 7, 2025

Xog: Xasan Sheekh oo ay talladu ku xun tahay.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu danbeeyay ee laga helaayo shirka gaarka ahaa ee madaxtooyada Somalia ku dhexmaray Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, Maamulada dalka iyo Beesha Caalamka.

Madaxweyne Xassan ayaa si bareer ah Beesha Caalamka uga codsaday in waxbadan laga bedelo rabitaanka maamulada Dalka, waxa uuna sheegay in la cadeeyo in Somalia ay ka taliso Dowlada Somalia ama ay ka taliyaan Maamul Goboleedyada.

Madaxweyne Xassan oo Siyaasadiisa laga sal gaaray ayaa waxa uu iminka maciin biday in banaanka uu usoo saaro waxyaabihii uu qarin jiray, waxa uuna carab dhabay in marnaba aan dalka lagu maamuli doonin wax aan rabitaankiisa aheyn.

Dhinaca kale, Michael Keating oo ah wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Somalia, ayaa sheegay in Xassan Sheekh aawgii aan Somalia dib loogu celin doonin burbur, waxa uu tibaaxay in qaabka ay wax kusii socdaan ay QM ku dhiiri galineyso inay la wareegto gabi ahaan shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News