29.4 C
Mogadishu
Monday, January 5, 2026

Xasan Sheekh oo caawa Shariif ugu tegay hoygiisa iyo xogta kulanka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed ugu tegay hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay.

Kulankan oo ahaa mid aan hore loo sii shaacin ayaa labada mas’uul iskugu kaliyeysteen, iyadoo diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Kulankan albaabbadu u xiran yihiin ayaa imanaya xilli galabtii uu Shariif Sheekh Axmed dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, caasimadda dalka, kadib maalmo uu Dhuusamareeb uga maqnaa Madasha Aragti-Wadaagga ee Heritage.

Xasan Sheekh ayaa doonaya in cadaadiska uga imaanaya mucaaradka uu hoos u dhigo, isla markaana uu ku qanciyo in wax walba ay ka horreeyaan difaaca midnimada, kadib xad-gudubka Israa’iil oo iyadu dhawaan sheegtay inay aqoonsatay maamulka Somaliland.

“Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, xukuumaddiisa iyo shacabka reer Galmudug soo-dhaweeyntoodii iyo martigelintii gobannimada lahayd ee ay noo sameeyeen intii ay socotay Madasha Aragti-Wadaagga ee Heritage,” ayuu Shariif ku yiri qoraal kooban oo uu ka soo saaray soo laabashadiisa.

Si kastaba, kulanka Xasan iyo Shariif ee caawa ayaa imanaya xilli ay dhawaan madaxweynayaashu isku fahmi waayeen kulan ku dhexmaray Madaxtooyada, isla markaana ay haatan xubnaha mucaaradka iyo madaxda maamullada Jubaland iyo Puntland ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay qorsheynayaan inay shir ku yeeshaan Garoowe.

Shirkaas oo ah mid ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ka qayb-geli doona xubnaha ugu sarreeya Madasha Samatabixinta ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif, iyaga oo ka tashan doona aayaha Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka, sida ay inoo xaqiijiyeen xubno ka mid ah mucaaradka.

Guddiga farsamada ee Golaha Mustaqbalka ayaa haatan shirar gaar-gaar ah ka wada caasimadda Garoowe ee Puntland, iyaga oo dajinaya istaraatiijiyad ku aaddan qorshaha kala-guurka ee dalka iyo sidii loogu diyaar-garoobi lahaa isbeddel dhab ah.

Sidoo kale, guddiga ayaa diyaarinaya ajendayaasha muhiimka ah ee shirkaas, maadaama ay weli taagan tahay xiisadda ka dhalatay hannaanka doorashooyinka, madaxweynuhuna uu Muqdisho ka qabtay doorasho ay weli bannaanka ka joogaan xubnaha mucaaradka iyo madaxda Jubaland iyo Puntland.

Horay, xubnahan ayaa shir ugu yeeshay magaalada Kismaayo, kaas oo ay ka soo saareen bayaan culus oo ku aaddan xaaladda dalka, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin in Madaxweyne Xasan Sheekh kala xaajoodaan sidii dalka looga qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay, kuna qabsoonta waqtigeeda, oo ah dhammaadka muddada xil-hayntiisa.

- Advertisement -

Read more

Local News