Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loogu baaqay dhismaha guddiyo farsamo ka kala socda dhinacyada ay quseeyso gogosha uu dhawaan fidiyay.
Dalabkan oo Madaxweynihii hore ee Galmudug uu si furan ugu diray Xasan Sheekh ayaa wuxuu muhiim u yahay in gogoshu noqoto mid miro dhal ah, isla markaana looga gaaro xal waara xaaladaha cakiran ee Soomaaliya ka taagan.
Cabdikariin Xuseen Guuleed oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa marka kale xoojiyay in ka hor furitaanka shirka, ay lama huraan tahay in la dhiso guddiyo farsamo oo metelaya dhammaan dhinacyada ay khusayso, si ay isula meel dhigaan arrimaha aas-aasiga u ah guusha shirkan.
“Ka hor furitaanka shirkan waxaa lama huraan ah in la dhiso guddiya farsamo oo metelaya dhammaan dhinacyada ay khusayso, si ay isula meel dhigaan arrimaha aas-aasiga, kuwaas oo kamid yahay: Ajandaha rasmiga ah ee shirkan, si si hufan looga wada xaajoodo qodobbada hortebinta leh,” ayuu yiri Guuleed.
Soo jeedinta Guuleed ayaa imanaysa xilli ay siyaasiyiinta mucaaradka ay ka qeyb-galka gogosha Madaxweynaha shuruud uga dhigeen in shirku noqdo mid xal looga gaarayo khilaafka ka taagan dalka.
Mucaaradka ayaa shaki wayn ka muujiyay shirka uu qabanayo Xasan Sheekh, waxayna sheegeen inuu taageero ugu raadinayo qorshihiisa, ee uusan aheyn mid lagu raadinayo xalka xaaladda taagan, sida lagu yiri bayaanka mucaaradka.
Hoos ka aqriso qoraalka Guuleed oo dhameystiran:
Sida ay dadweynaha Soomaaliyeed ba ka warqabaan, waxaan si diirran u soo dhaweeyay gogosha uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, taariikhdu markay tahay 15-ka Juun.
Waxaan horey u muujiyay tallaabooyin muhiim ah oo lagama maarmaan u ah in gogoshu noqoto mid miro dhal ah, loogana gaaro xal waara xaaladaha cakiran ee dalka ka taagan.
Haddaba, mar kale waxaan caddeyneynaa in ka hor furitaanka shirkan, ay lama huraan tahay in la dhiso guddiya farsamo oo metelaya dhammaan dhinacyada ay khusayso, si ay isula meel dhigaan arrimaha aasaasiga u ah guusha shirkan, kuwaas oo kala ah:
1. Ajandaha rasmiga ah ee shirkan, si si hufan looga wada xaajoodo qodobbada hortebinta leh.
2. Ka-qaybgalayaasha muhiimka ah ee lagama maarmaanka u ah matalaadda dhammaan dhinacyada uu shirku quseeyo.
3. Go’aamada, Qaabka iyo hannaanaka loo ansixinayo waxa kasoo baxa shirkan, si ay u yeeshaan sharciyad iyo kalsooni guud.
Waxaan kaloo soo jeedineynaa in si waqtiga looga faaideysto, aragtiyada iyo mowqifyadana loo mideeyo in ay lagama maarmaan tahay in shirarka la mideeyo oo hal gogol oo loo dhanyahay laga dhigo.