Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay furimaha dagaalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dib ugu laabtay furimaha dagaalka, halkaas oo uu dhowr maalmood ka hor uga soo baxay si uu ula kulmo wafdi sare oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa deegaanno kala duwan dib uga bilaabayo abaabul iyo shirar la xiriira howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, si looga xoreeyo dhulka ay weli gacanta ku hayaan.

Madaxweynaha ayaa dhowaan go’aansaday inuu si toos ah dagaalka uga hoggaamiyo furimaha hore, isla markaana uu ula joogo ciidamada iskaashanaya ee dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo Macawiisleyda, kuwaas oo difaac adag kaga jira jiidda hore.

Dhanka kale, ciidamo ka tirsan ilaaladiisa oo kusoo haray degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa adkeeyay amniga, iyada oo Madaxweynaha Soomaaliya uu u sii jihaysanayo deegaanno aan weli si rasmi ah loo shaacin.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxweyne Xasan Sheekh, oo dagaalka hoggaaminaya, uu ku haminayo in ciidda ka hor laga saaro Al-Shabaab gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ay culays badan saareen.

Degmada Aadan-Yabaal, oo hadda ah difaaca ugu dambeeya ee ciidamada dowladda, waxaa maalmo ka hor gaaray gurmad culus oo ka yimid Hiiraan, kuwaas oo xoojinaya dagaalka Al-Shabaab ee la qorsheynayo in toddobaadkan la dardar geliyo.

Dagaallada u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo kooxaha argagixisada ayaa sii xoogeysanaya maalin kasta. Al-Shabaab waxay wadaan weerarro is-daba-joog ah, halka dowladda ay ka go’an tahay in waqti kooban lagu soo afjaro kooxdaas.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay u guureyso furimaha dagaalka, sida lagu gaaray shir deg-deg ah oo Jimcaale ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada.