Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si kulul u difaacay heshiiska baarista shidaalka iyo gaaska ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay Türkiye, kaddib markii la shaaciyay warbixino sheegaya in xoogga dakhliga ay qaadaneyso Ankara.
Heshiiska oo la saxiixay sanadkii hore, balse si baahsan loo faafiyay bishii la soo dhaafay, ayaa u oggolaanaya dowladda federaalka inay ku wareejiso howlaha baarista iyo soo saarista shidaalka dowladda Türkiye. Tani waxay muujinaysaa saameynta sii kordheysa ee Ankara ku leedahay dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo horey u maamusho dekedda iyo garoonka caalamiga ah ee Muqdisho, iyo saldhigyo ciidan.
“Halkaan, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay siineysaa hay’adda u xilsaaran Turkiga xuquuq gaar ah iyo mid gaar loo leeyahay oo ay ku fulin karto howlaha shidaalka ee ku saabsan aagga heshiiska,” ayaa lagu sheegay heshiiska.
“Sidaas awgeed, si xuquuqdan loo dhaqangeliyo, dowladda federaalka ah waxay siin doontaa hay’adda Turkiga xogaha farsamo ee horay u jiray ama mustaqbalka la heli karo, iyada oo aan wax kharash ah lagu saaraynin, waxayna la geli doontaa heshiis wax-wada-qaybsi ah oo gooni ah aagga kasta oo shirkaddaasi u aragto inuu ku habboon yahay.”
Heshiisku wuxuu u oggolaanayaa qandaraaslaha in uu dib u soo cesho kharashaadka la galay, isaga oo si gooni ah u maamuli kara illaa 90% saliidda cayriin iyo gaaska dabiiciga ah ee la soo saaro sanad maaliyadeedkaas—ka dib marka la bixiyo dhammaan xuquuqda dowladda.
Heshiiska waxaa lagu saxiixay magaalada Istanbul 7-dii Maarso 2024, waxaana qalinka ku duugay Wasiirkii hore ee Shidaalka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, iyo Wasiirka Tamarta ee Türkiye, Alparslan Bayraktar.
Shirkadda Turkish Petroleum Corporation (TPAO) ayaa loo xilsaaray fulinta howlaha sahminta iyo soo saarista shidaalka.
Muuqaal la baahiyay ayuu Madaxweynaha Xasan Sheekh ku sheegay in heshiisku yahay mid labada dhinacba dan u ah oo ku saleysan is-afgarad iyo faa’iido wadaag.
“Tani waa markii ugu horreysay ee taariikhda ay Soomaaliya si rasmi ah u baarayso kheyraadkeeda shidaal iyo gaas. Lama dhayalsan karo faa’iidada cidda ugu horreysa ee gasha. Iyada oo Turkigu nala garab taagan yahay, Soomaaliya waxay u socotaa inay noqoto dal ka duwan sida dunidu u aragto,” ayuu yiri madaxweynaha.
Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibedda, Cali Cumar, ayaa heshiiska ku tilmaamay mid albaab u furaya fursado ganacsi oo weyn, isagoo xusay inuu quseeyo saddex qaybood oo kaliya—kuwaasoo ka tirsan 216 qaybood oo laga filayo inay shidaal ku jiraan xeebaha Soomaaliya.
Heshiiska Istanbul ayaa dhaliyay muran gudaha dalka ah kaddib markii warbixino khaldan ay baahisay Nordic Monitor—hay’ad ay leeyihiin suxufiyiin Turkish oo mucaarad ah oo ku xiran kooxda Fethullah Gulen.
Doodda dadweynaha ayaa aad u kala qaybsantay kaddib markii qaar ka mid ah dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ay ku tilmaameen heshiiska “hibo si gaar ah loo bixiyay”.
Abdisaid Muse Ali, oo horey u ahaan jiray la-taliyaha amniga qaranka iyo madaxa xafiiska Madaxweynaha, ayaa si adag u dhaleeceeyay heshiiska, isaga oo ku tilmaamay “mid baalmarsan Sharciga Shidaalka Soomaaliya. Ma jirin tartan furan. Ma jirin hay’ad madax-bannaan oo la tashatay. Ma jirin wadatashi lala sameeyay dowlad-goboleedyada. Ma jirin dood dadweyne. Tani ma ahan oo keliya siyaasad xun—waa sharci-darro.”
Balse Anisa Cabdulkadir, oo ah dhaqaale-yahan fadhigeedu yahay Muqdisho, ayaa sheegtay in Soomaaliya aysan awoodin kharashaadka badan ee bilowga sahminta, baaritaanka iyo ka faa’iideysiga kheyraadka shidaalka—gaar ahaan kuwa ku jira biyaha badda—sidaas darteedna aysan dhib ku jirin in la xilsaaro shirkad arrimahaas qabata.
“Waa wax caadi ah in waddamo sida Soomaaliya oo kale ah, oo aan haysan dhaqaale iyo awood farsamo, ay la shaqeeyaan shirkado waaweyn sida TPAO,” ayay u sheegtay The EastAfrican.
“Marka la horumariyo warshadaha shidaalka, dalku wuxuu dhisi karaa hay’ad u gaar ah iyo awood uu ku maareeyo kheyraadkiisa, si uu uga baxo habka dib-u-soo-celinta kharashyada,” ayay raacisay, iyadoo muujisay taageerada ikhtiyaarka maalgashi ee dowladda hadda jirta.