Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tagay markabka Oruç Reis oo ku sugan xeebaha Soomaaliya.
Markabkan ayaa muddooyinkii dambe ku howlanaa baarista shidaalka dalkeenna, kadib markii si rasmi ah loo soo gaba-gabeeyay sahanka shidaalkaa xeebaha Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay howl-wadeenada iyo bahda iskaashiga Turkiga dadaalladooda ku aaddan sahankan istiraatiijiga ah.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa muujiyey in natiijada baaristan ay wax weyn ka beddelayso xaaladda Soomaaliya iyo xiriirka iskaashi ee labada dal, wuxuuna arrintan ku tilmaamay “guul taariikhi ah” oo la gaaray.
“Tani waa guul muhiim ah oo xoojinaysa yoolkeenna ah in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iideysato kheyraadkeeda, una beddesho fursado dhaqaale iyo horumar bulso,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxa uu intaas kusii daray: “Dowladda iyo shacabka Turkiga mar walba waxa ay hormuud u yihiin tallaabooyinka muujinaya in Soomaaliya la maalgashan karo.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay dadaalka dowladda ee kobcinta dhaqaalaha dalka iyada oo loo marayo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee hodonka ay ku tahay Soomaaliya, kuwaas oo dabooli kara duruufaha ka jira dalkeenna.