24.9 C
Mogadishu
Wednesday, January 28, 2026

Xasan Sheekh oo ka baaqday shir guddoominta golaha ammaanka QM + Sababta

Bookmark
Bookmarked

Share

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka baaqday shir-guddoominta kulanka guud ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa haatan haysa hoggaanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo si rasmi ah ula wareegtay shir-guddoominta golaha horraantii bisha Janaayo 2026.

Kulanka Golaha Ammaanka ayaa ka qabsoomay xarunta Qaramada Midoobay, iyadoo madaxweynuhu uusan ka soo qaybgelin, sababo la xiriira baraf xooggan oo ka da’ay dalka Maraykanka, kaas oo hakad geliyay in ka badan 10 kun oo duullimaadyo ah.

Soomaaliya ayaa horraantii Janaayo 2026 si rasmi ah ula wareegtay shir-guddoominta Golaha Ammaanka, hase yeeshee waxaa dhowaan dhammaanaya muddadii ay hoggaaminta haysatay, iyadoo weli xaq u leh hagidda iyo maamulidda hab-socodka kulamada golaha.

Ka-qaybgalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee guddoominta fadhiga Golaha Ammaanka ayaa ahaa mid si weyn loo sugayay, maadaama Soomaaliya ay door muuqda ka qaadatay hawlaha golaha tan iyo markii ay ku guuleysatay kursiga doorashada, isla markaana ay ka muuqatay dooddo iyo kulammo kala duwan oo dhawaan la qabtay.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mas’uul ka ah hoggaaminta golaha. Hoggaanka 15-ka xubnood ee golaha ayaa is-rogrogta, iyadoo dal walba uu hoggaanka hayo muddo bil ah. Hannaankan ayaa soo jiray tan iyo sanadkii 1946.

Dalka bishaas madaxweynaha ka ah golaha ayaa hoggaamiya isku-dubaridka hawlaha shaqo ee muddadaas. Waxa uu door ka qaataa dejinta ajandaha iyo kala hormarinta qodobada ay xubnaha goluhu ku kala aragti duwan yihiin, mararka qaarna waxa uu u shaqeeyaa sidii diblomaasi dhex-dhexaad ka ah dhinacyo kala aragti duwan.

Soomaaliya ayaa markii ay hanatay kursigan, waxa ay taageero ka heshay Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

- Advertisement -

Read more

Local News