25.9 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Xasan oo ka hadlay dhulalka dantaguud ee sida sharci darada ah loo baxshay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia ee uu wakhtigiisu dhammaaday Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay eedeymo loo jeediyay dowladiisa oo ku aadan in dhulal danguud ah ay ku wareejisay Hay’ado gaar ah.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay kusii kordhayaan eedeymaha loo jeedinaayo, waxa uuna tilmaamay inaanu waxba ka khuseyn dhulalka dantaguud ee lasiiyay Hay’adaha gaarka ah.

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in bixinta iyo celinta dhulalka dantaguud aysan aheyn mid khuseysa Madaxtooyada Somalia.

”Anagu waxba nagama khuseeya dhulalka dantaguud waxaa arrintaasi wax laga weydiin doonaa Dowlada Hoose oo khuseysa arrimaha dhulalka”

Xasan Sheekh waxa uu tilmaamay in arrimaha ku xeeran dhulalka dantaguud ay u xilsaaren Wasiiro ka tirsan Dowlada kuwaa oo uu sheegay inay baarayaan dhulalkaasi ka baxay gacanta Dowlada.

Xasan waxa uu cadeeyay in shaqsi ahaantiisa uusan ka warqabin dhulalka maqan iyo kuwa leysku heysto waxa uuna farta ku goday in wax laga weydiin doono Dowlada Hoose.

Haddalka Xasan Sheekh ayaa imaanaya xili dhawaan la shaaciyay in Dowlada Somalia ay iibineyso dhulalka danta guud si dhaqaalahaasi loogu gallo Doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News