Xasan Sheekh oo loogu baaqay inuu maamul goboleed u dhiso Gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) –  Caaqil Xaaji Macow oo ka mid ah hoggaanka dhaqanka ee kasoo jeeda gobolka Banaadir ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan metelaadda magaalada Muqdisho, kadib wareysi gaar ah oo uu siiyey Telefishinka Caalamiga ah ee Universal.

Caaqil Xaaji Macow ayaa sheegay in bulshada gobolka Banaadir ay weli xuquuq uga maqan tahay federaalka, sidaas daraadeedna looga baahan yahay dowladda inay meel saarto.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu ugu baaqay in uu il gaar ah u yeesho arrintaan, isla-markaana uu si deg-deg ah uga jawaabo baaqa bulshada gobolka Banaadir.

“Waxaan ka rajeyneynaa kaa sugeynaa inaad bulshada Banaadir xaqeedii insha allaahu saad sheegtay aad kow ka bilaabi doonto xaquuqdii ay ku lahaayeen federaalka” ayuu yiri.

Sidoo kal wuxuu intaasi ku daray in gobolka Banaadir uu la mid yahay gobollada kale, isla-markaana bulashada u baahan tahay inay hesho metelaad la mid ah bulshooyinka kale.

“Soomaalida federaal ayey qaadatay maamul goboleedyaa la dhisay Soomaali marka ay xisaabtay 4.5 ayey wax ku kala qaadatay nin kasta meeshiisa ayuu joogaa wixiisana waa qaatay, marka cidda iska leh waa cidda u dhalatay waana la ogyahay,” ayuu sii raaciyey.

Arrinta gobolka Banaadir oo aan weli xal loo helin ayaa muddo soo jiitameysay, waxaana sidoo kale suuragelin 13 kursi oo doorashooyinkii ka hor laga siiyey Golaha Aqalka Sare.