Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hoggaanka iyo hal abuurka Soomaaliya.
Madaxweynaha oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay xiritaanka shirweynaha ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ay dowladdu ku awood siineyso dhalliyarada Soomaaliyeed.
Qorshayaashan ayuu sheegay inay ka mid yihiin dib u habeynta waxbarashada, dhiirri-gelinta barnaamijyada dhallinyarada iyo hirgelinta doorashada dadweynaha, taas oo suurta-gelinaysa in ay door firfircoon ku yeeshaan talada dalka.
Madaxweynaha oo dhagaystay talooyinka iyo aragtida dhallinyarada Soomaaliyeed ee dowladnimada ayaa ku adkeeyey in ay mideeyaan maskaxdooda, hal abuurkooda, cududdooda iyo dadaalkooda, si dalkeenna uu ula tartamo dalalka horumary ee caalamka.
“Maanta waxaan u baahanahay in aan deg deg u dhaqaaqno oo aan horumarno. Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa laga rabaa in ay la yimaadaan hal abuur ku saleysan abaabul, wadajir, wacyi sarreeya iyo hoggaan mideysan. Isbeddel kasta oo dhaca dhallinyarada ayaa keenta,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale wuxuu bogaadiyay dhabar adaygga iyo kartida dhllinyarada Soomaaliyeed oo dhiiggood u huray gobanimada iyo difaaca dalka.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu dhalinyarada ku boorriyey barashada xirfadaha casriga ah, gaar ahaan tiknoolijiyadda oo qeyb weyn ka qaadan karta kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga, hal abuurka iyo isku filnaashaha dalka.














