Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdiga ka socda dowladda Sweden ee shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Wafdigan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga Dibadda ee dalka Sweden Mudane Benjamin Dousa ayaa wada-hadallo gaar ah la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh, wasiirka maaliyada iyo agaasimaha guud ee Madaxtooyada.
Labada dhinac ayaa si gaar ah kulankooda diiradda ugu saaray xiriirka laba-geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Sweden iyo sidii loo sii xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo kobcinta karaanka hay’adaha dowliga ah.
Waxaa kale oo Soomaaliya iyo Sweden ay falanqeeyeen muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn miro dhal ah oo dhex-marta labada dowladood, si loo ballaariyo iskaashiga Stockholm iyo Muqdisho.
Ujeedka booqashada uu Muqdisho ku joogo Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah iyo Ganacsiga Dibadda Dowladda Sweden ayaa la xiriirta xoojinta xiriirka labada dal iyo in lasii amba qaado heshiisyadii hore ee labada dowladood.
Sweden ayaa maalmihii u dambeeyay wadday dhaq-dhaqaaqyo culus oo la xiriira Soomaaliya iyo qorshe kale oo la xiriira tarxiilka qasabka ah ee lagu beegsanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dib looga soo celinayo dalkaasi.
Si kastaba, Dadkan la celiyay ayaa 14 kamid ah lagu sifeeyay inay ahaayeen shaqsiyaad horay dambiyo u galay. Xogta ayaa sidoo kale iftiimineysa koror ballaaran oo ku yimid tirada dadka sida qasabka ah loogu celinayo Soomaaliya, taasoo sanadkii 2023 ahayd lix qof oo keliya, balse sanadkii 2024 gaartay 29 qof.


