25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Xasan oo qiray inay isku dhex qasan yihiin awoodaha DF iyo maamulada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia ee uu wakhtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay qiray inaanu kala cadeyn awoodaha Dowlada Dhexe iyo tan Maamul Goboleedyada.

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in mudada ay dowladiisu jirtay ay ka  shaqeyneysay kala saarida labada awoodood waxa uuna farta ku goday inay qorsheeyen hanaanka lagu kala saari lahaa Labada awood.

Waxa uu carab dhabay in mar waliba uu sareyn doono maamulka Dowlada Dhexe, halka Maamul Goboleedyaduna ay noqon doonaan kuwo ka tala qaata Dowlada Dhexe, sida uu haddalka u dhigay.

Madaxweyne Xasan waxa uu ballanqaaday haddii uu guuleysto in xooga uu saari doono dib usoo celinta Cadaalada, Garsoorka, Kala sareysiinta awoodaha maamulada iyo dalka oo uu ka dhaqan galin doono Siyaasad dimuquraadiyad leh.

“Waxaan qirayaa in awoodaha Dowlada Dhexe iyo tan maamulada ay isku dhex yaacsan yihiin waxaana diyaar u ahay inaan kala saaro awoodahaasi”

Haddalka Xasan Sheekh ayaa kusoo beegmaaya xili Doorashada Madaxweynaha ay ka harsan tahay maalmo qura.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News