Xasan Sheekh oo sheegay ‘cidda kaliya ee leh’ guusha la gaaray kadib sanado badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay casho sharaf ku maamuusay Culumadii ka qayb-gashay shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee kusoo gaba-gaboobay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu halkaasi ka sheegay in guusha laga gaaray dagaalka socda ay gaareen Soomaali oo kaliya.

“Waxa ugu muhiimsan ee guusha dhadhanka la sii-leedahay Soomaali kaligeed ayaa gaartay, dadka saaxiibada ah ee Afrika iyo Caalamka ka socda ee inoo yimid wax badan ayay soo dadaaleen laakiin howshaan anaga u xayd-xaydaney oo mushtamicii oo dhan ayaa u istaagay, inta dhiman Insha-Allah waxay ku imaan doonta intaas oo lasii xoojiyo oo la isku duubnaado,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in markii hore ee dagaalka Shabaab ay bilaabayeen aysan ku qanacsaneyn bulshada Soomaaliyeed qaarkood iyo beesha caalamka, oo iyagu markii dambe ku qancay in la iska dhicin karo kooxdan.

“Waa tabar yarnahay oo dowladd yab-yab ah oo tallaabo barad ah waaye laakiin tabar yaraantu ma ahan waxa maadiga ah ee waa qalbiga, haddaadan Caqiidada iyo Caqliga ka tabar-yareyn qof ka xoogan adduunka majiro. Laakiin marka qalbiga daciif ka noqoto markaas ayaa daciif tahay sikasta oo qalab waaweyn iyo xoola badan u leedahay daciif ayaa tahay.”

Sidoo kale waxa uu si weyn ugu bogaadiyay culimada Soomaaliyeed sida midnimada leh ee ay umadda Soomaaliyeed ugu soo bandhigeen dhibaatada ay Al-Shsbaab ku hayaan dadka.

Culimada ayuu ka codsaday inay meesha ka saarto kala qeybsanaanta ka dhex jirta bulshada Soomaaliyeed, islamarkaana ay ka shaqeeyaan midnimada iyo isdhex-galkooda si mid loo noqdo.

“Waa kala miiranay asalkii inta ay dowladnimo bilaaban ee isticmaarka iman sida u nooleyn ayaa u noqonay, in aan kasoo noqon ayaa u baahanahay. Wanaag ma helayno illaa aan isdhex-galno oo dib isku dhex-galno oo Soomaali, Muslimiin noqon inta kala qoqobanahay rejo lagama qabo in aan yeelaano dowlad xoog leh oo macno leh adduunkana u dhiganta in aan yeelano rejadeeda aad ayay u yar tahay.”

Xasan Sheekh Maxamuud oo tallada dalka dib ugu soo laabtay 15-kii May ee 2022 ayaa wuxuu ku dhiiraday ku dhawaaqista dagaal ka dhanka ah Al-Shabaab oo tan iyo markii uu billowday laga gaaray guulo waaweyn, wuxuuna dadaal badan ku bixinaya dhismaha hay’ad culimo oo marjac u noqota dowladnimada iyo midnimada umadda Soomaaliyeed.