Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir deg-deg ah madaxtooyada kula yeeshay saraakiisha ugu sarreysa ciidamada.
Madaxweynaha ayaa saraakiisha ciidanka ka dhageystay warbixinno la xiriira dagaalka kooxda Al-Shabaab, oo haatan maraya meel xasaasi ah. Saraakiisha ciidanka ayaa si gaar ah madaxweynaha uga warbixiyay howl-gallada ka socda gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saraakiisha ciidamada faray dardar-galinta dagaalka Al-Shabaab iyo sidii la isugu xiri lahaa howl-gallada ka socda gobollada dalka.
Guul darooyinka dagaalka ee dowladda soo wajahay ayuu Xasan Sheekh aad uga carooday, sida ilo wareegyo xog ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online, waxaa la filayaa inay baxaan go’aano xasaasi ah, si wax looga bedelo qorshaha dagaalka ee dhanka dowladda oo cagta saaray wadadii guul darrada.
Ciidamada qaranka ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay sameeyey dib u gurasho aan horay loo arag, waana arrinta miiska u saaran Xasan Sheekh in xiligaan uu wax ka bedelo, kooxda Al-Shabaab ayaa ku taameysa in weli dhul hor leh ay sii qabsato, maadaama meel kasta ay isaga cararayaan ciidamada dowladda.
Soomaaliya ayaa gashay marxalad dagaal oo xasaasi ah, ciidamada ayaa wajahay guul darooyin waaweyn, deegaano muhiim ah ayaa dib ugu laabtay xagmaha argagixisada Al-Shabaab, ciidamo badan ayaa dowladda uga dhintay dagaalka, waxaana halis ku jira degmooyinka hadda xorta ah, taas oo khasab ka dhigeysa in wax laga bedelo qorshaha dagaal ee dowladda.
Sidoo kale, xogaha ay heleyso Caasimada Online waxay sheegayaan in Xasan Sheekh uu raadiyey khuburo dhanka ammaanka ah, si wax looga bedelo furimaha dagaalka, wax badan ayaa u suurtagalay, waxaana maalmaha soo socda Sh/Dhexe ka bilaaban doona dagaal saf balaaran ah oo beesha Abgaal ay laf-dhabar u noqon doonto.
Hadalkii ugu dambeeyey ee madaxweynaha Soomaaliya uu maalin ka hor ka jeediyey shir ka dhacay Muqdisho wuxuu ku sheegay in dowladdu ay tallaabooyin deg-deg ah qaadi doonto, isagoo qiil u sameeyey jabka dowladda oo yiri “Goob dagaal wax walba ka filo, guul iyo guul daraba.”

