Xasan Sheekh oo si adag uga hadlay arrimaha dhulka iyo cidda mas’uulka ka ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa markii ugu horreysay si hufan uga hadlay arrimaha muranka dhulka iyo cidda wax laga weydiinayo, isagoo iska fogeeyay inuu wax lug ah ku leeyahay.

Madaxweyne Xasan ayaa carabka ku adkeeyay in arrimaha dhulka iyo bixintooda mas’uuliyadeeda ay leedahay dowladda hoose ee Xamar, sida ay xuquuq ahaan ugu leeyihiin gobollada kale ee dalka maamulladooda.

“Magaalada Muqdisho oobasiibo ma sii ahaaneyso; meel Shabaab ku dhuunto oo ciidamada amnigu geli karin ma sii ahaaneyso; meel qofkii ku dhinta meydkiisa laga soo saari karin ma sii ahaaneyso; meel dab hadduu ka kaco, dab-damisku geli karin ma sii ahaaneyso,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan, isaga oo intaa ku daray in dhulka Xamar ay ka mas’uul tahay dowladda hoose ee Xamar.

“Dhulka Xamar waxaa ka mas’uul ah dowladda hoose, sida kuwa ku yaalla Baydhaba ama Dhuusamareeb ama Garoowe ama Kismaayo ku yaalla ay mas’uul uga yihiin dowladaha hoose iyo maamullada halkaasi ka jira. Haddii ay wax ka qaldamaan dhaqan-gelintiisa, meeshaas waa la dhihi karaa wax ha laga toosiyo, waan laga toosinayaa. Dowladda hoose ee Xamar iyo dowladda dhexe toona inta dad gobollo kale laga soo qaaday Xamar ma soo dejin,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu muhiimad gaar ah siiyay in dhulalka is dul-saaran ee oobasiibooyinka ay tahay in la habeeyo oo jidad laga bixiyo: “Meel oobasiibo ah oo jidad is dul-saaran yihiin waa la habeynayaa, jidadna waa laga bixinayaa hadii la yiraahdo. Dhulka dadkii deganaa la ekeyn maayo. Boqol qof haddii ay deganayd oo la yiraahdo shan jid ayaa laga bixinayaa, shantaas jid dhulkii laga bixiyay dadbaa deganaa. Dadkiina waa guryo lahaa, wayna qeylinayaan. Ama lacag ha la siiyo, ama meel kale ha lagu yiraahdo dega, ama ha isdabararaan. Laakiin aniga ceeb ma ahan maxay dadka u qeyliyeen; xaqiiqduna sidaas ayey tahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in maxkamaduhu iyo dowladda hoose ay awaamiir ka soo saareen arrimaha dhulka, balse magaalada Muqdisho aysan sii ahaan doonin oobasiibo.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdiisu ay dhageysaneyso cabashooyinka bulshada iyo dhaliilahooda, ayna ka jawaabi doonaan. Ciddii dood iyo dacwo qabta ayuu tilmaamay in maxkamaduhu u furan yihiin.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday Oday Axmed Siicoow oo ciidamo ka tirsan dowladda hoose si arxan-darro ah ula dhaqmeen, isagoo sheegay in arrintaasi aheyd mid aan la aqbali karin, wuxuuna tilmaamay in kuwii ka dambeeyay caddaalad la horgeyn doono.

Arrinta ugu weyn ee lagu dhaliilo Madaxweyne Xasan ayaa noqotay arrimaha dhulka iyo barakicinta, taas oo noqotay kaar adag oo mucaaradku ay ku dagaalamayaan.

- Advertisement -

Read more

Local News