Muqdisho (Caasimad Onlie) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareegto soo saaray ayaa maanta magacaabay La-taliyaha sare siyaasadda iyo isku-duwaha barnaamijyada la xiriira ee xafiiskiisa.
Xilkan ayaa waxaa horey u hayey Aweys Xaaji oo hadda ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa xilkan u magacaabay Yaxya Ibraahim Macallin oo noqonaya la-taliyaha sare siyaasadda iyo isku-duwaha barnaamijyada la xiriira ee xafiiska Madaxweynaha.
Yahya Ibraahim oo ahaa bare jaamacadeed ee waddanka UK, ayaa aqoon iyo khibrad wanaagsan u leh arrimaha siyaasadda, dowlad dhiska, cilmi baarista, xiriirka Caalamiga, horumarinta dhaqaalaha, aqoonta iyo diyaarinta jiilka cusub ee hoggaamiyeyaasha.
Sidoo kale, waxa uu muddo ka soo shaqeynaayey xalinta khilaafaadyada colaadaha, isaga oo shahaadooyinka sare ee Master iyo PhD ka diyaariyey Jamacadaha Northampton iyo Birmingham ee dalka Ingiriiska.
Madaxweyne Xasan ayaa xusay in Dr Yaxya ka rajeynayo in uu door muuqdo ka qaato daadejinta siyaasadaha iyo horumarinta istaraatiijiyadda Qaranka ee xafiiska Madaxweynaha
Waxaa kale oo uu hubinayaa in go’aannada muhiimka ah ay ku saleysan yihiin caddayn, cilmi-baaris iyo la falgelidda duruufaha gaarka ah ee Soomaaliya, si loo xoojiyo isku-duwidda, nidaamka iyo midnimada ujeeddoyinka Xafiiska Madaxweynaha.

