27.4 C
Mogadishu
Wednesday, November 12, 2025

Xasan Sheekh oo tallaabo deg-deg ah ka qaaday madax ka tirsan Villa Somalia + Sababta

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaqo joojin ku sameeyay saraakiil ka tirsan Villa Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Shaqo joojintan oo ah mid ku-meel-gaar ah, ayuu madaxweynuhu ku sameeyay saddex mas’uul, iyadoo aan la caddayn muddada ay socon doonto, isla markaana ay shaqada banaanka ka ahaan doonaan illaa amar dambe.

Xubnahan ayaa kala ah: 1- Agaasime Ku-xigeenkii Guud ee Madaxtooyada, Maxamed Amiin Sheekh, 2- Agaasimaha Hab-maamuuska Madaxtooyada, Hinda Culusow, iyo 3- Kaaliyaha Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdirisaaq British.

Shaqo joojinta lagu sameeyay xubnahan ayaa waxaa soo baxaya inay ka dhalatay hababkii loo maareeyay safarrada Madaxweyne Xasan Sheekh ee is-xigxigay.

Safarkii ugu dambeeyay ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu maalin kahor ku aaday dalka Aljeeriya ayaa laga reebay xubnahan.

Waxaa la sheegay in shaqo joojintaas ku-meel-gaarka ah ee lagu sameeyay ay ka dhalatay arrimo la xiriira maamulka safarradaas.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in sababta shaqo joojintaas dhalisay in si degdeg ah loo dhaqan-geliyo ay tahay in mas’uuliyiintan ay sababsadeen safarkii kan ka horreeyay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in safarkaasi ay kusoo dareen xubno aanay qayb ka ahayn socdaalka Madaxweynaha.

Waxaa la dhowrayaa haddii shaqo joojintan ay isu beddesho mid rasmi ah iyo in ganaaxa intaas loogu simi doono mas’uuliyiintan oo kasoo muuqan jiray safarrada kala duwan ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagayay dalalka caalamka.

Arrintan ayaa imanaysa xilli muddooyinkii dambe ay xoogeysteen wararka sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay safarada dibadda ee madaxda sare ku daraan xubno aan wax shaqo ah u hayn dowladda, ama aan khuseyn safarka markaas ay madaxdu ugu baxayaan dalka dibaddiisa.

- Advertisement -

Read more

Local News