Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan dalka Turkiga, ayaa booqasho ku tagay xarunta teknoolojiyadda Turkiga ee Özdemir Bayraktar.
Xaruntan oo ah goob lagu farsameeyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, oo door muuqda ka qaata dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ayuu Madaxweynaha Soomaaliya warbixin kaga dhageystay madaxda iyo injineerada xarunta.
Madaxda xarunta iyo injineerada ka howl-gala ayaa Madaxweynaha siiyey sharaxaad ku saabsan teknoolojiyadda casriga ah, gaar ahaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone-ta) iyo qalabka difaaca.
Booqashadan oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh wehlinayey Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Jaamac, ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay ka faa’iideysan doonto khibradaha iyo awoodda difaaca ee Turkiga, si loo dardargeliyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa dowladda Turkiga iyo madaxdeeda ku bogaadiyey horumarka ay ka sameeyeen warshadaha, isaga oo xusay in Turkigu yahay saaxiib aad ugu dhow Soomaaliya kana caawiya dhismaha ciidanka iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada.
Xarunta Özdemir Bayraktar ee uu booqday Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa ka mid ah meelaha ugu horreeya ee laga soo saaro qalabka teknoolojiyadda casriga ah, sida diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Booqashadan ayaa ah mid muhiim u ah xoojinta taageerada cirka ee Soomaaliya, maadaama diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay qeyb libaax leh ka qaataan duqeymaha cirka iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.




