26.9 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Xasan Sheekh oo wajahaya go’doon siyaasadeed

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wajahaya go’doon siyaasadeed sii baahaya, sanad kahor doorashada guud ee dalka, iyadoo khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada uu khatar gelinayo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa si xooggan u wado qorshe lagu hirgelinayo nidaamka doorashada hal qof, hal cod — hannaankan ay si cad uga hor yimaadeen siyaasiyiinta mucaaradka, Puntland iyo Jubbaland, oo ku eedeeyay inuu hareer marayo nidaamka go’aan wadaagga ku dhisan wadatashi iyo isu tanaasul.

Labadan maamul ayaan ka qaybgelin shirarkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ), halkaas oo lagu falanqeeyay dib-u-habeynta doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka. Waxay ku andacoonayaan in madaxweynuhu doonayo inuu awoodda dowladda dhexe ku ururiyo, taasoo lid ku ah mabda’a federaalka ee dalka.

Khilaafka ayaa sii qoto dheeraaday kaddib markii la ansixiyay wax ka beddel lagu sameeyay dastuurka, kuwaasoo kordhiyay awoodaha madaxweynaha — oo ay ku jirto awoodda uu u leeyahay magacaabista iyo xil ka qaadista ra’iisul wasaaraha.

Xisbiyada mucaaradka iyo ururrada bulshada rayidka ah ayaa si weyn uga hor yimid isbeddelladan, iyagoo ku tilmaamay kuwo wiiqaya dimuqraadiyadda islamarkaana halis gelinaya midnimada qaranka.

Xasan Sheekh, oo muddo xileedkiisu dhammaanayo, ayaa sidoo kale la daalaa dhacaya caqabado amni oo joogto ah, gaar ahaan weerarada kooxda al-Shabaab ee xiriirka la leh al-Qaacida, kuwaasoo sii wiiqaya xasilloonida qaybo badan oo ka mid ah dalka.

Si uu u dejiyo xiisadda siyaasadeed, madaxweynaha ayaa ku baaqay shir wadatashi ah oo lagu qaban doono xarunta madaxtooyada ee Muqdisho 15-ka Juun. Kulankaas ayaa loogu talagalay in lagu abuuro is-afgarad guud oo ku saabsan arrimaha muhiimka u ah dalka, sida doorashooyinka iyo dib-u-eegista dastuurka.

Hase yeeshee, xisbiyada mucaaradka ayaa durba ku dhawaaqay inay ka baaqan doonaan shirka, iyagoo ku eedeeyay madaxtooyada inay rabto in wadahadallada u adeegsato sharciyeyn go’aanno horey loo gaaray.

Falanqeeyeyaasha arrimaha siyaasadda ayaa rumeysan in kulanka uu fashilmi karo ka hor intaanu bilaaban, iyadoo dadaallada kale ee mustaqbalka ee ka yimaada xafiiska madaxweynaha ay wajihi karaan caqabado dheeraad ah haddii aan tanaasul dhab ah la samayn.

Waxaa intaas dheer in beesha caalamka ay cadaadis xooggan ku saareyso madaxweynaha inuu aqbalo in talada lala wadaaggo, oo aysan socon karin in uu ku adkeysto go’aanno aan heshiis lagu wada ahayn.

Khilaafka siyaasadeed ee sii xoogeysanaya ayaa su’aal gelinaya diyaar-garowga Soomaaliya ee doorasho la isku halleyn karo oo dhacda sanadka 2026. Waxa kale oo uu mugdi ku riday mustaqbalka nidaamka federaalka iyo dadaallada dib-u-heshiisiinta ee dalka Geeska Afrika ku yaalla.

- Advertisement -

Read more

Local News