Xasan Sheekh oo weeraray FARMAAJO iyo R/W KHEYRE

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey shir madaxda xisbiyada uga socdo Muqdisho ayaa weerar afka ah ku qaaday dowladda, gaar ahaan Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu ay ka gaabisay u gurmashada dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan maamullada HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo ay saameeyeen fatahaadaha ka jira dalka.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in aan la’is qabad siin karin in malaayiin Dollar oo aan bajadka ku jirin dowladda ay ku dhisto taalooyin, hadana aysan dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan u heli karin gurmad.

Madaxaweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in tallaabo aan laga fileyn ay aheyd in dowladdu ay ku dhawaaqdo Qaaraan hala keeno, si loogu badbaadiyo dadka ku dhimanaya magaalada Beledweyne oo ka mid ah meelaha uu sida daran u saameeyey wabiga Shabelle

“Dowladdu mallaayiin Dollar oo aan bajadka ku jirin taalooyin ku dhisi kartaa waa soo heli karta,dadka Reer Baladweyne ee Biyaha dhex-jiifa qaarkood ku dhamaadeen dowladda lacag uma heli karto ee qaaraan hala keeno in leys qabadsiiyo ayaa loo baahan yahay ayuu yiri.” Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli jawaab rasmi ah dowladdu aysan ka bixin dhibaatada bani’aadanimo ee ka taagan Beledweyne, marka laga reebo dhaq dhaqaaqyo ay waddo, kuwaas oo loogu gurmanayo dadkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com