Madaxweyne Xasan oo xil sare u magacaabay Danjire Maxamed Cali Ameeriko

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Danjire Maxamed Cali Ameeriko u magacaabay Maareeyaha cusub ee Dekadda Muqdisho.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale xilka looga qaaday Maareeyihii hore ee Dekadda, Axmed Washington.

โ€œLaga bilaabo marka uu Madaxweynuhu saxiixo xeerkan, waxaa Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) loo magacaabay in uu noqdo Maareeyaha Dekadda Muqdisho,โ€ ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha.

Maxamed Cali Ameeriko ayaa hore usoo noqday Safiirkii Soomaaliya ee dalka Kenya, iyadoo lagu xasuusto waxqabadkiisii muddada dhowrka sano ee uu ka shaqeynayay Safaaradda Nairobi.

โ€œXeerkan waxa uu dhaqan-galayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana lagu soo saari doonaa Faafinta Rasmiga ah ee J.F.S,โ€ ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweynaha ayaa saxiixay wareegtada magacaabista Maareeyaha cusub ee Dekadda 3-dii bishan, balse si dhab ah looma oga sababta ay Madaxtooyadu u shaacin weysay ilaa xilligaas.

Si kastaba, magacaabistan waxaa loo arkaa qayb kamid ah dadaallada ay dowladdu ku dardar-gelinayso howlaha dekedaha dalka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata ganacsiga, dhaqaalaha iyo weliba xiriirka caalamiga ah.

 

- Advertisement -

Read more

Local News