Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Waqtigiisa uu mar hore dhamaaday Xasan Sheikh Maxamuud ayaa fariintiisii koowaad u doray xildhibaanadii shalay la dhaariyay.
Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa sheegay marka hore in xildhibaanada cusub ee sanadkaan ay yihiin xildhibaanadii ugu dhalinyarada iyo dumarka badnaa.
Wuxuu sheegay in howl badan hortaalo baarlamaanka, isagoo cadeeyay iney ka duwan yihiin xildhibaanadii hore ee baarlamaanka soomaray.
Tan koowaad wuxuu sheegay in xildhibaanada ay yihiin kuwo lagu soo doortay deegaanada ay u matali doonaan dowladda Soomaaliya, sida uu sheegayna kaga duwan yihiin kuwii ka horeeyay.
Wuxuu ka codsaday iney dalka daacad u noqdaan ayna si wanaagsan ugu adeegaan ummada iyo dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Waxaa uu sheegay in dalku uu gaaray horumar la taaban karo ,madaam xildhibaanada cusub mid kaste oo ka mid ah ay soo doorteen 51 Ergo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]