Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo ka hadlay kalfadhiga baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu dardaaran u jeediyay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
Kalfadhiga uu maanta furay Xasan Sheikh Maxamuud oo ah midkii ugu dambeeyay oo ay yeeshaan xildhibaanada Soomaaliya, ayaa dardaaran u jeediyay xildhibaanada.
Xasan Sheikh Maxamuud wuxuu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay horyaalaan howlo badan iyadoo aan la heynin waqti badan.
“Waxaa sannadkan ina horyaalla hawlo culus oo doorashadu ay ka mid tahay. Waxaan horay iskula garaney inaanay dalka ka qabsoomi karin doorasho qof iyo cod ah. Waxaase jira nidaam kale oo aan ku heshiinay oo ah doorasho dadban. Baarlamaanka ayaan horkeenaynaa nidaamkaas si sharciyad loogu sameeyo. Mabda’a aan ku shaqeyneyno waxaa uu ku saleysan yahay in aan qabsano waxa aan maanta awoodno, isla markaana aan sharciyad u sameyno waxa aan qabaneyno inagoo wadajirna oo is oggol’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Xasan Sheikh ayaa sheegay in xildhibaanada looga baahan yahay iney sameeyaan dadaal badan iyo isku duubno si loo dhameystiro dhamaan howlaha horyaala xildhibaanada maadaama bilooyin kooban ay u harsan yihiin,
Xildhibaanada baarlamaanka ayaa shaqada ugu badan ee hortaala waxaa kamid ah iney ansixiyaan nooca doorasho ee ka dhaceyso dalka Soomaaliya oo ay isku raaceen madaxda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka, iyadoo laga sugayo xukuumada iney baarlamaanka horgeyso.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]