26 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Sawirro: Xasan iyo Siilaanyo oo kulmay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqasho ku tagey dalka Jabuuti, ayaa waxa uu kula kulmay Madaxweynaha Xukuumada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland, ayaa maanta booqasho ku tagey dalka Jabuuti, markii siyaabooyin kala gedisan ay casuumaad uga helayn Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

Madaxweyne-yaasha, ayaa waxay isku arkayn Madaxtooyada Magaalada Djibouti, xilli siyaabooyin kala duwan looga soo gelbiyay Garoonka Duulimaadyada ee Magaaladaasi.

Labada dhinac, ayaa waxaa lagu wadaa in kulankoodii labaad ay ku yeeshaan dalka Jabuuti, iyadoo Madaxweynaha Jabuuti uu dhabarka ka riixaayo, sidii ay horey ugu sii amba qaadi lahaayeen wada hadaladii u socday.

Lama garanaayo mudada uu socon doono kulanka, si rasmi ahna looma sheegin ajandayaasha ay dhinacyadaan kaga hadlayaan, kulanka uu soo qaban qaabiyay Madaxweyne Geele.

siil iyo xasan 1siil iyo xasan 2siil iyo xasan 3siil iyo xasan 4siil iyo xasan 5

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News