26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh: Beesha caalamkaay noo boobsiiya wixii aad noo heysaan si aan…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa si cad u sheegay in beesha caalamka loo baahan yahay iney si dhaqso ah usoo gudbiyaan taageerada ay siinayaan dalka Soomaaliya ee ku saabsan doorashada sanadkaan.

Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud oo qirsan taareegada beesha caalamka ayaa sheegay in haatan aan la heysan fursad kale oo lagu lumiyaa arimaha doorashooyinka oo loo baahan yahay in taageerada ay ugu talo galeen dowlada Soomaaliya deg deg usoo gaarsiiyaan.

Wuxuu sheegay in dadaalada ugu badan lagu bixiyay doorashada Soomaaliya sanadkaan ka dhaceyso, laakiin haatan la joogo waqtigii wax muuqda la qaban lahaa maadaama waqti yar ka harsan tahay doorashada.

“Caalamka waan kaga mahad celinayaa qaabkay Soomaaliya u caawinayaan, waxaanse leeyahay haatan lama heysto waqti kale oo lumaa waxaan ka codsanayaa iney deg deg usoo dadajiyaan taageerada ay nala doonayaan”ayuu yiri Xasan Sheikh.

Waxaa la aamisan yahay in wadamo badan oo caalamkakamid ah ay lug gooyo ku hayaan horumarka Soomaaliya, waxaana hadalka Xasan Sheikh laga dhadhansan karay in beesha dib u dhaca yimid ay qeyb ku laheyd.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News