25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Xasan Sheekh, Axmed Madoobe, Gaas, Guuleed & Shariif Xasan oo la hordhigay 3 qodob oo adag

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Dhinacyada Siyaasadda Somalida, ayaa weli ku shirsan Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubbada Hoose, illaa iyo hadana ma jirto wax go’aan leysku waafaqay oo ka soo baxay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran.

Wakiilada Beesha Caalamka qaarkood ayaa shalay iyo maanta kala gaaray Magaalada Kismaayo kuwaasi oo ka qeybgalaaya shirka, si ay Madaxda Somalidu ugu cadaadiyaan in qodobo la’isku waafaqsan yahay, ay ka soo saaraan shirkan.

Sida ay wararku sheegayaan wakiilada ku biirtay shirka, ayaa waxaa laga xusi karaa Danjiraha Emirate-ka Carabta u fadhiya Somalia, Amb. Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi, iyadoona siyaabooyin kala duwan loogu soo dhaweeyay Garoonka Kismaayo.

Amb. Mohammed Ahmed Othman oo tan xalay ilaa Saakay kulamo kala duwan la qaadanaayay Madaxda dalka iyo kuwa Gobolada ayaa waxaa lasoo warinayaa in Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, C/wali Gaas, Axmed Madoobe, Shariif Xassan iyo C/kariin Gulleed uu ku cadaadinaayo ilaa 3 Qodob oo kala ah:

1-In Dowlada Federaalka ah ee Somalia ay ka tanaasusho arragtideeda ah in Xildhibaanada lagu soo xulo Nidaamka 4.5.

2-In maamulada ka tashanaaya Aayaha Somalia ay midoobaan islamarkaana qaatan hal go’aan si ay Dowladu u muujiso
dabacsanaan.

3-In Dowlada hal sano loogu darro ama in aqalkii sare la dhiso.
Danjire Mohammed Ahmed Othman oo matalaaya Dowladaha Carabta ayaa Seddexdaasi qodob u arka in muhiim ay u tahay shirka iyo qaabka ugu sahlan ee lagu heshiinkaro.

Mohammed Ahmed Othman waxa uu marba kulamo la qaadanayaa Madaxda ku shirsan aqalka martida Kismaayo, waxa uuna xooga saarayaa in maanta ama bari shirkaasi laga soo saaro war-murtiyeed.

Docda kale, waxaa wali ad adeeg muujinaaya Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud, inkastoo aan wali laga quusan xal u helida muruga taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News