27.8 C
Mogadishu
Sunday, June 8, 2025

Xassan Sheekh oo gaaray Beledweyne (Ujeedka)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goor dhaw garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka dagay wafdi ballaaran oo uu hogaaminaayay Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Max’uud.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxa uu ka koobnaa labada Gole ee Dowlada Somalia, waxaana Garoonka Diyaaradaha Beledweyne kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan.

Soo dhaweynta Madaxweyne Xassan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybqaatay Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee Gobolka Hiiraan iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM.

Xubnaha Wafdiga Madaxweynaha Somalia ayaa waxaa ka mid ah; Wasiirka Amniga XFS, C/risaaq Cumar Maxamed, Xildhibaan Nuur Iidoow Bayle iyo Madaxa Qaybta Dhismaha Maamul-goboleedyada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Nafiso Geeddi Santuur.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa lagu wadaa in Odayaasha iyo waxgaradka gobolka Hiiraan uu halkaasi kula kulmo, isaga oo kala hadli doono arrimaha shirka ka socda Magaalada Jowhar kaasi oo maamul cusub loogu dhisaayo Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe kaasoo gogoshiisa ay taalo magaalada Jowhar.

Geesta kale, Booqashada Madaxweyne Xassan ayaa imaaneysa xili asbuucyadii ugu danbeeyay ay Beelaha daga Hiiraan ka cabanayeen qaabka uu u socdo Shirka magaalada Jowhar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News